Xog: Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia oo carro kala dul dhacay madaxweyne XASAN (Sababta)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in wasiirka arimaha dibada Ethiopia Tedros Adhanom uu aad uga carooday fashilka mar kale ku imaaday madasha wada tashiga qaran ee Somalia.

Tedros Adhanom ayaa la soo warinayaa inuu ku sigtay in uu dib ugu laabto magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Ethiopia kadib markii uu sheegay in Xassan Sheekh uusan laheyn axdi.

Tedros Adhanom waxa uu tilmaamay in muddo laba maalin uu shirka dib u dhac ku imaaday sababo la xiriira Xassan Sheekh aawgii waxa uuna taasi ku sheegay nidaam la’aanta heysata madaxtooyada Somalia.

Tedros Adhanom ayaa ku sigtay in carro uu u qaaday Xassan Sheekh aawgii uu uga dhoofo magaalada Kismaayo, balse Xubnaha DF iyo Beesha Caalamka kaga sugan Kismaayo ay sabab u noqdeen in Tedros Adhanom ay ku qanciyaan inuu kusii sugnaado Kismaayo inta shirka uu ka furmaayo.

Sidoo kale, Tedros Adhanom waxa uu tilmaamay in howlo badan la xiriira xafiiskiisa ay u yaalan balse howlahaasi uu uga soo tagay Shirka aawgii taasina ay noqoneyso xushmad la’aan uu Xassan Sheekh kala kulmay.

Tedros Adhanom ayaa Kismaayo u gaaray inuu goobjoog ka ahaado shirka madashada wadatashiga Qaran ee Kismaayo ka furmi doona, balse waxaa dib u dhaca shirkaasi uu fashiliyay wakhtiga Tedros Adhanom oo ahaa mid aad u yara.

Madaxweyne Xassan ayaa aad kaga soo horjeeda in magaalada Kismaayo lagu gaaro go’aan muujinkara in DFS ay ku qasbanaato inay ka tanaasusho Nidaamka 4.5, waxa ayna taasi rajo xumi ku noqotay shirka.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaan raali ku aheyn in DFS ay ka weecato Nidaamka 4.5 waxa uuna dhowr jeer sheegay inay ku adag tahay ka tanaasulida nidaamkaasi oo uu sheegay inay maslaxad u tahay Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com