ODAWAA oo ka runsheegay 3 mushkiladood oo ka taagan Kismaayo sheegayna in nidaamka ….

Muqdisho (Caasimada Online):-Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa ka hadlay sababta ka danbeysay in dib u dhac uu ku yimaada shirka ka furmaayo magaalada Kismaayo.

Odawaa waxa uu sheegay in Ujeedka laga leeyahay shirkaasi ka furmaaya Kismaayo uu yahay hirgalinta nidaam ay ku mideysan yihiin DFS, Maamulada dalka ka jira iyo guud ahaan beelaha Soomaaliyeed waxa uuna tilmaamay inay adag tahay in laga gudbo nidaamka 4.5.

Odawaa waxa uu tilmaamay in Soomaalida oo idil ay aaminsan yihiin nidaamka 4.5, taasina ay adkeyneyso in DFS ay ka gudubto nidaamkaasi.

Wasiirka waxa uu tilmaamay in magaalada Kismaayo ay kuwada sugan yihiin Siyaasiyiin kala jaan ah oo aan ku mideysneyn Siyaasada dalka.

Waxa uu sheegay in mas’uuliyiinta ku sugan Kismaayo ay isugu jiraa sida:-
1- Maamulo aan run ahaantii ku qanacsaneyn in laga gudbo nidaamka 4.5, balse lagu cadaadinaayo inay ku mashquuliyaan DFS si looga gudbo.

2- Dowladaha deriska iyo Reer galbeedka oo faragalin ku haya Siyaasada islamarkaana la safan maamulada qaar.

3- Siyaasiyiin kasoo horjeeda xal u helida mushkiladaha ka taagan Somalia oo ku sugan magaalada Kismaayo oo sii ololinaaya Siyaasada lidka ku ah DFS.

Wasiir Odawaa waxa uu tilmaamay in dib u dhicii ku imaaday shirka uu la xiriiro Seddexdaasi qodob islamarkaana uu ujeedku ahaa in shaqsiyaadkaasi ay ku fogaadan kulamada si un loo garwaaqsado dhibta heysta Somalia.

Dhanka kale, C/raxmaan Odawaa waxa uu rajo ka muujiyay in maamulada dalka ay ogolaan doonaan in Somalia lagu sii maamulo 4.5, si aan dalka loogu horseedin qalalaaso.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com