Ethiopian gabar Somali ah ku gowracay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya deegaanka Waran oo ka tirsan Burco, ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Somaliland ay gacanta ku dhigeen nin kasoo jeeda dalka Ethiopia oo halkaasi ku gowracay gabar aad u yar.

Gabadha uu ninkaasi gowracday ayaa waxaa lagu magacaabaa Xamda Cabdi Xasan, waxaana la sheegayaa in marka hore uu la baxsaday kadibna uu gowracay.

Taliyaha Booliska Gobolka Togdheer Axmed Max’uud Guutaale oo dhacdadaani uga warbixiyay Saxaafada ayaa yiri ”Ninkaani dhowr jeer ayaa arrintiisa naloo soo gudbiyay waxaan markii danbe qabanay isaga oo kasoo laabtay gowraca gabadhaasi. waxaan ku qasabnay inuu nageeyo halka uu kasoo baxay waxaan dul tagnay meydka gabadha yar oo gowracan dhiigana laga dhuuqay”

”Gabadha uu gowracay waxa ay aheyd 4 Jir waxa uuna qirtay in horay uu sidaa oo kale uu carruur ku gowracay, sharciga ayaa la soo taagayaa waxa uu muteysto ayaa lagu qaadi doonaa”

Axmed Max’uud Guutaale waxa uu sheegay in dilka gabadha loo adeegsaday masaar waxa uuna tilmaamay in ciidamadu ay baadigoob ugu jiraan rag kale oo falkaasi ka dhexwada Burco, sida uu hadalka u dhigay

Sidoo kale, waxa uu Axmed Max’uud Guutaale sheegay in qabashada ninkaasi ay garab kusiiyen dadka deegaanka oo iyaguba is weydiinaayay waxa uu ninkaasi yahay.

Dhacdadaani ayaa ah mid ku cusub dhagaha shacabka Burco, waxaana jira rag kale oo iyaguna falka noocaasi ah ka dhexwada deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com