Guuleed oo 2 arrin ku xiray la heshiiska P/Land

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo kulamo kala duwan uu magaalada Kismaayo uga socdo madaxweynayaasha Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed iyo dhigiisa Puntland C/wali Gaas, ayaa waxa uu kulamadoodu yahay kuwo ku qotoma Khilaafka Seddexdii bil ee ugu danbeeyay ka dhexeeyay.

Khilaafka xoogiisa ayaa ah mid la xiriira Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo waxa uuna madaxweyne Gulleed sheegay in Garoonkaasi uu yahay mid sharci ahaan uu leeyahay maamulka Galmudug balse Puntland ay horay u xalaaleysat.

Madaxweyne Gulleed waxa uu sheegay in Maamulka Puntland uu is laheysiiyay garoonka Gaalkacyo waxa uuna cadeeyay in muranka ugu badan uu yahay mid ka taagan awood qeybsiga maamulka Garoonka.

C/kariin Gulleed waxa uu sidoo kale ku dooday xili uu kalimad ka jeedinaayay kulan kala dhexeeyay madaxweyne C/wali Gaas in Galmudug ay lama huraan tahay in kala bar maamulka Garoonka Gaalkacyo ay hesho.

Inta uu socday kulanka u dhexeeyay C/kariin Gulleed iyo C/wali Gaas waxa uu madaxweynaha Galmudug soo bandhigay Laba qodob oo kala ah:-

1- In maamulka Galmudug ay xuquuq ku yeelato maamulka Garoonka Gaalkacyo, si loo soo afjaro colaada taagan iyo tan imaankarto xili waliba.

2- In maamulka Puntland uu ogolaado in kala bar kuraasta iyo awood qeybsiga maamulka Garoonka ay yeelato Galmudug, haddii taa la waayana mar waliba ay suuragal tahay in Khilaafka uu soo laalaabto.

Sidoo kale, C/kariin Gulleed waxa uu khilaafyada taagan sabab uga dhigay isfahan’waaga ka dhashay Siyaasada labada maamul waxa uuna carabka ku dhuftay in Galmudug ay diyaar u tahay inay wax la wadaagto Puntland oo daris la ah.

Gulleed waxa uu tilmaamay in Galmudug ay diyaar u tahay in haddii ay jirto xuquuq ka maqan Puntland, si ay bedelkeeda u hesho waxa ka maqan Galmudug.

Docda kale, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed waxa uu sheegay in maalmaha uu ku sugan yahay Kismaayo uu sii socon doono kulanka kala dhexeeya madaxweynaha Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com