Xaruntii IIRAAN ee Muqdisho oo la bililiqeystay

Muqdisho (Caasimada Online) – Koox Hubeysan oo maleeshiyaad ah iyo dad badan oo careysan ayaa bililiqeystay dhismaha xarunta Khumeyni oo ah hayad laga leeyahay dalka Iran kuna taala degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Dhismaha hayada ayaa ku yaala inta  u dhaxeyso isbitaalka Banaadir iyo daarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in marka hore maleeshiyaadka ay galeen dhismaha kadibna dadka rayidka ah ay dhac kula dhaqaaqeen goobta.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxay goobta geysteen gaadiid ay ku qaadayeen waxyaabaha la bililiqeysanayay dhismaha hayada Khumeyni oo laga leeyahay dalka Iran.

In muddo ah markii dadka ay halkaasi ka sameynayeen bililiqada ayaa waxaa la sheegay in goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya kuwaasi oo dadka ku kala eryay Rasaas, iyadoo kadib dadka ay halkaasi isaga carareen.

Dhacdada ayaa kusoo aaday maalmo ka hor iyadoo dowlada Soomaaliya ay xiriirka u jartay dowlada Iran kadib markii dowlada Sacuudiga iyo dowladaha qeybta ka ah jaamacada Carabta ay xiriirka u jareen dowlada Iran.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com