Guuleed iyo Luga-dheere oo Kismaayo ka tagay

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/Kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta kasoo tagay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo labadii maalin ee lasoo dhaafay uu ku sugnaa.

Wafdigaasi waxaa sidoo kale kamid ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C.qaadir Xaaji Lugadheere waxayna maanta tageen magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe oo lagu qabanayo shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Sh.Dhexe.

C/kariin Xuseen Guuleed oo Saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Soomaaliya ayaa Xasan Sheikh Maxamuud wuu u raacay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ka dhacaya magaalada Jowhar.

Wafdiga maanta tagay magaalada Jowhar waxaa sidoo kale kamid ah wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, xildhibaano ka soo jeeda gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe iyo masuuliyiin kale oo dowlada ka tirsan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo markii uu tagay magaalada Jowhar ayaa loo galbiyay hoolka shirarka ee laga dhisay magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Amaanka magaalada ayaa guud ahaan aad loo adkeeyay waxaana magaalada la geeyay labadii maalin ee lasoo dhaafay ciidamo dheeraad ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
Caasimada@live.com