Mareykanka oo safiir u magacaabay Soomaaliya

Washington (Caasimada Online) – Dowlada Mareykanka ayaa safiir cusub usoo magacowday  dalka Soomaaliya tan iyo markii ay is casishay haweeneyda horey loogu soo magacaabay safiirka Soomaaliya ee Mareykanka.

“Madaxweynaha Marekanka waxuu magacaabay shaqsiyaad muhiim ah oo u ka mid-yahay Stephen Michael Schwartz oo ah safiirka jamhuuriyadda faderaalka ah ee Soomaaliya,”ayaa lugu yiri bayaanka lugu baahiyay aqalka cad ee looga taliyo Marekanka.

Safiirka cusub ee Marekanka uu doonayo inuu u qaabilsanaado,waxuu muddo ku soo dhex jiray wasaaradda arrimaha dibadda,isagoo iminka ah agaasimaha xafiiska waaxda arrimaha dibedda u qaabilsan arrimaha Australia, New Zealand, iyo jasiiradaha Pacific-ga, xilkan oo uu hayey tan iyo bishii August ee 2015.

Waxa uu horey u ahaa agaasimaha xafiiska arrimaha galbeedka Africa, intii u dhaxeysay 2013 illaa 2015, isaga oo xilligaas ka hor, intii u dhaxeysay 2010 illaa 2013 ahaa ku xigeenka madaxa howlgalka safaaradda Mareykanka ee magaalada Lusaka ee dalka Zambia.

Sidoo kale,magacaabidda Stephen Schwartz waxaa lugu sheegay inay tahay mid muujinaysa dib usoo noolaanshaha xiriirka diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Soomaaliya, ayada oo dowladda Soomaaliya ay goor horeyba safiir ugu soo dirtay Washington D.C.

Ugu dambeyn,waxaa la sheegay safiirka cusub inuu shaqadiisa billaabi doono marka magacaabistiisa uu ansixiyo senate-ka Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska USA
Caasimada@live.com