Daawo sawirro qurux badan oo laga soo qaaday muuqaalka cusub ee madasha shirka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Ra’isul wasaaraha Dawladda Federaalka Somalia iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa maanta 12-Jan-2016 kormeero indha-indhayn ah kusoo sameeyey Xarunta uu shirka ka furmi doono.

Socdaalka ayay ku hormariyeen Xarunta Caymiska oo ah halka uu kadhici doono shirweynaha madasha wadatashiga qaran oo si’aad u qurux badan loo hagaajiyey loona dhammaystiray agabkii shirku u baahnaa iyo xarumihii ay madaxdu ku nasan lahaayeen xilliyada nasashada.

Sidoo kale goobihii ay Madaxdu kormeereen waxaa kamid ahaa Agan Hotel oo ah hotel dhowaan xarigga laga jaray islamarkaasna la dejiyey qaybo kamid ah Ergooyinka shirka kaqayb geli doona.

Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa ugu dambayntii waxa uu tegey Hotel Kismaayo halkaas oo uu madaxweynuhu kula qaxweyey Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Jeneraal Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Ganacsato iyo Odayaal dhaqameed.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo islamarkaasna ka qaxweeyo maqaaxiyaha magaalada iyadoo aanay jirin wax cabsi ah oo laga qabo kooxaha nabad diidka ah.

“Sharafweyn bay iitahay inaan maanta ku dhex lugeeyo magaalada kismaayo soona booqdo xarumaha dawladda iyo hoteelada magaalada, waxaadna muuqata maanta sida ay magaalada kismaayo isu bedeshey amnigeedii iyo bilicdeediina ay isu bedeshey”

Ugu dambayntii Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kula dardaarmay guud ahaan dadweynaha reer Jubbaland iyo Dawladoodaba in ay iska kaashadaan ilaalinta nabadgelyada iyo kala dambaynta.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

12

13

14

15

16

17

18

19

20

–DHAMAAD–