GAAS oo furka tuurtay kuna tilmaamay Xasan…

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Kismaayo guddoomiyaha baarlabaanka JFS Maxamed Cusman Jawaari iyo tiro xildhibaano ah oo la socdo.

Safarka guddoomiyaha oo ahaa mid kadis ah ayaanan la ogeyn ilaa iyo hadda waxaa uu ku qotomo. Waxaa beryahan danbe aad u soo if baxayay khilaafka madaxweyne Xasan Sheekh iyo Jawaari, kaasoo salka ku hayo ballan ka bax lagu sameeyay Jawaari.

Mid ka mid ah siyaasiyiinta hadda nala joogto magaalada Kismaayo ayaa noo sheegay in aay u xuntay rajada laga qabo in shirka Kismaayo uu ku dhammaado guul iyo in lagu heshiiyo qaabka doorashada ee sanadkan 2016.

Caasimada Online oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u dhaba gashay in aay shacabka u soo tebiso habka aay wax u socdaan iyo fekerada kala duwan ee is diidan ee aay kala wataan madaxda dowlad goboleedyada iyo kuwa Federaalka ahba.

Saadaasha laga qabo in shirku uu si wanaagsan ku dhamaado ayaa aad u liidato. Cabdiwali Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa ka go’an in aanay qaadan wax aan ahayn in degaan wax lagu qeybsado halka Shariif Xasan uu ku dhegen yahay 4.5. Cabdikarin Guuleedna aanu jirin qaab loo bixiyo isagoo markaa fursad ka dhex arkay in uu ku gor-gortamo halka uu feker ahaan raaci lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa gebi ahaanba rabin in Kismaayo lagu gooyo qaabka doorashada isagoo rajo ka qabo in Jowhar lagu doorto Madaxweyne Sh. Dhexe & Hiiraan inta aan la gaarin shirka Istanbuul, Xasan Sheekh ayaa raba in uu madaxweynaha cusub ku darsado xulufadiisa si uu u helo qaabja doorasho ee uu rabo.

CCC iyo Jawaari ayaa iyaguna rabin in shirka Kismaayo aanu guul ku dhammaan oo aay markaa ku andacoodaan, Dowlad Goboleedyada fursaddii lasiiyay waa ku keeni waayeen qaab doorasho, sidaa darteed Xukuumadda iyo Baarlabaanka ayaa la wareegay doorashada 2016 gebi ahaan.

Cabdiwali Gaas ayaa saakay ku tilmaamay shirka ka socda Jowhar in uu yahay shir beel u gaar ah, uuna aad uga xun yahay iyada oo shir uu Kismaayo ka furan yahay in midkale laga kor furo. Gaas oo la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha Kismaayo ayaa madaxweynaha JFS iyo Guuleed ku eedeeyay in aay wadaan qaran dumin is qabiileysi shacabka koofurta aanu la qabin.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimadda@live.com