Sawirro: Xasan Sheikh oo Jowhar ka furay shirka maamul dhisida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ka furay shirka maamul dhisida Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo ay ka soo qeyb galeen boqolaal ergo oo labada gobol ka socotay.

Madaxda shirka ka jeediyay Khudbadaha ayaa waxaa kamid ahaa Madaxweyne Xassan, Madaxweynaha Galmudug C/kariin Gulleed, Wasiirka arrimaha Gudaha C/raxmaan Odawaa, Madaxweyne ku-xgieenka labaad ee Jubaland Cabdulqaadir Lugadheere iyo Odayaal dhaqmeed ka kala socda labada Gobol.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa furay shirka oo aan la cayimin mudada uu socon doono, waxa uuna Madaxweynuhu sheegay in Odayaasha Gobollada kala matalaaya looga baahan yahay inay ilaalsadaan maamulka cusub ee u curan doono.

Madaxweyne Xassan waxa uu sidoo kale sheegay in Odayaasha labada Gobol looga baahan yahay inay la imaadan Magaca iyo calanka uu yeelan doono maamulka cusub waxa uuna ku baaqay in labada dhinac ay ilaalsadaan shirka si aan looga gudbin xeendaabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Maxamed Xuseen ”Odawaa” ayaa sheegay in maamul goboleedyada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe uu ka mid noqon doono maamul goboleedyada dalka ka jira, isagoo xusay in dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh markii xilka qabatay sanadkii 2012 ay u suura gashay inay dhismaan maamul goboleedyo, iyadoo sanadkii 2004 lagu heshiiyay in dalka ka dhismaan maamulo federaal ah.

Odawaa ayaa sheegay in shirka la dar dar gelin doono maamulka labada gobol, isagoo xusay in labada gobol ay taariikh ku leeyihiin halganka gobonimo doonkii iyo la dirirkii gumeystaha.

C/kariin Xuseen Guuleed, Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ka hadlay furitaanka shirka, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay tallaabada Maamul Goboleedka loogu soo dhisaayo Goboladaasi.

C/qaadir Xaaji Maxamed (Luga-dheere), Madaxweyne Ku Xigeenka 2-aad Maamulka Jubbaland, ayaa isna soo dhaweeyay Maamul U Samaynta Gobolada Shabellaha Dhexe & Hiiraan.

Magaalada Jowhar oo ah Xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe, ayaa waxaa laga dareemayaa is bedelo cusub, waxaana sare u kacay qiimihii caadiga ahaa ee lagu seexan jiray Hoteelada Magaalada. Sidoo kalana waxaa la dareemayaa in si wayn loo adkeeyay amniga guud ee Magaalada.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ???????????????????????????????????? ????????????????????????????????????????????????????????????????????????