Ethiopian dilay sarkaal Kenya ah iyo xiisad cusub oo dillaacday

Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan dowlada Kenya, sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska Kenya ayaa lagu dilay deegaanka Marsabit ee dhaca xuduuda ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Wararka ayaa sheegaya in dilka sarkaalka booliska ka tirsanaa loo maleynayo iney ka dambeeyaan burcad Ethiopian ah, halka saraakiisha qaar ay sheegeen in askarta dowlada Ethiopia ay falkaasi ka dambeeyeen.

Mark Wanjala oo ah Taliyaha Booliska Gobolka Marsabit ayaa sheegay in Sarkaalka la dilay oo lagu magacaabayay Cabdi Ediin uu ku sii jeeday degaanka Lorry,isaga oo ka tagay degaanka Illiret,waxaana joojiyan Burcad Itoobiyaan ah oo kadibna Rasaas la dhacay halkaasna uu ku qurbaxay.

Shilka ayaa ka dhacay degaanka Karare waxaana goobta kadib gaaray Booliska ay halkaasi ka sameeyeen Ciidanka amaanka Kenya oo halkaasi tagay.

Seddex  ka mid ah Booliska Kenya ayaa horey waxaa dilay Ciidamo Itoobiyaan ah oo sheegay in ay baacsanayeen Koox Burcad ah,waxaana ay taasi sameyn ku yeelatay xiriirka Itoobiya.

Hogaamiyaasha labada dal ayaa kulan ku yeeshay Mooyaale waxaana,halkaas lagu xalliyay murankii u dhaxeeyay labada dal ee ka dhashay dilka loo geystay askarta u dhalatay dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com