Axmed Madobe oo si jees-jees u eedeeyey Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo wufuud kala duwan kusoo dhaweynaaya magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay baaqashada badan Madaxweyne Xassan.

Axmed Madoobe oo kulamo gaar gaar ah la qaatay wafdiga ayaa waxa uu mas’uuliyiinta ka socta Beesha Caalmaka ku raali galinaayay inay ku sabraan xaalada Siyaasadeed ee Somalia, isaga oo ciladaha taagan dusha u saaray madaxweyne Xassan Sheekh.

Madoobe waxa uu wakiiladah martida ku ah Kismaayo u sheegay in Xassan Sheekh uu walaac ka qabo shirka taasina ay ugu wacan tahay inuu sabab u noqdo dib u dhacyada ku imaanaya shirka.

Erayada Axmed Madoobe uu ku qancinaayay wakiiladaha uu kulamada la qaatay ayaa waxaa kamid ahaa ”Waa in aad raali ku ahaatan wadciga siyaasada Somalia, waxaan dareemayaa in madaxweynuhu uusan daneyneynin shirka wakhtigana uu yahay mid nagu socda” Nuqulkaani waxaan kasoo xiganay mid kamid ah mas’uuliyiinta ku dhowdhow Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale dhaliilay dib u dhacyada madaxweynaha ee is xigxiga, waxa uuna cadeeyay in madaxweynuhu uu ka caga jiidaayo shirka, balse uusan baaqan doonin shirka kana mirro dhalin doonaan ujeedka shirka.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe ayaa wafdiga ka socda Ethiopia, Kenya iyo Beesha caalamka dib u dhacyada shirka marqaati uga dhigay, waxa uuna hal ku dhigiisu ahaa ”Xassan Sheekh mas’uuliyadii ayuu gabay”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com