Qadar vs Imaaraadka – iyo halista heshiiska hogaanka wareegga ee PUNTLAND

Bisha Janaayo sanadka dambe waxaa loo ballansan yahay in ay Puntland ka dhacdo doorashada Madaxweynenimo ee maamul Gobolleedkaas.

Sidi hore loo bartay si ka duwan, shacabka reer Puntland waa markii ugu horreeysay ee ay ku adkaato in ay saadaal ka bixiyaan cidda u qaban doonta hoggaanka.

Yaa sharraxan?

Musharaxiinta hadda u taagan qabashada xilkaas ama bedelidda Cabdiweli Cali Gaas waa kuwo ay tiradooda ku dhaw dahay 20 haddii aysan ka badneyn, hase ahaatee, wey adag tahay in tilmaan laga bixiyo shaqsiga ku soo bixi doona.

Caadiyan, Puntland waxaa xilka ugu sarreeya isku bed bedelli jiray Jufada Maxamuud Saleebaan ee ka tirsan Majeerteen laga soo bilaabo Cabdullaahu Yusuf Axmed (AUN), kaas oo door weyn ku lahaa dhidhibbo u aasiddii maamulka ugu da’da weyn Koonfurta Soomaaliya, isaga oo noqday Madaxweyneheedii kowaad.

Cabdullaahi Yusuf waxa uu beel ahaan ku abtirsanayey Cumar Maxamuud oo ka mid ah Maxamuud Saleebaan, waxaa bedelay Cadde Muuse (AUN) oo isna ahaa Cismaan Maxamuud, waxaa xigay Cabdiraxmaan Faroole oo ah Ciise Maxamuud – hakaas waxaa ku soo xidhmay tookeysigii kowaad ee Maxamuud Saleebaan!

Cabdiweli Gaas ayaa dib giraanta u soo celiyey oo ah Cumar Maxauud, hadaba, su’aasha taagan ayaa ah tookeysigu ma socon doonaa? Haddii ay haa tahay, Yaa Cismaan Maxamuud u soo bixi doona?

Hase ahaatee, waxaa su’aashaas kore ciriiri galiyey loolanka mandiqadda ka jira ee ay isku hayaan Imaaradka Carabta iyo Qadar kuwaas oo dhinaca kale u rogi kara giraantii Maxamuud Saleebaan!

Haddii aad weydiiso, indheer garadka reer Puntland, yaa sanadkan ugu cad cad ama fileysaa waxa ay kuu sheegayaan in uu hummaag uga jiro arrintaas  oo ay sababtu tahay loolanka Qadar iyo Imaaraadka.

Imaaraadka waxaa aad ugu xiran Cabdi Weli Gaas, Saciid Deni, iyo Cumar Cabdirashiid, halka Qadar ay wada-hadal la leedahay dhowr musharax, ayada oo weli xuleysa hala ama laba musharax oo xooggan oo ay xoogga ay saarto.

Yaa ugu cad cad?

Juxa – Ciise Maxauud – waxa uu qaldi doonaa giraantii wareegga ahayd!

Faarax Cali Jire – Cali Saleebaan – Ma qaldi doono ee dhinaca kale ayuuba u roggi doonaa

Siciid Deni iyo Dr Saadiq Enow, Cumar Cabdirashiid –   Cismaan Maxamuud Waa jug jug meeshaada joog iyo ha socoto giraanto!

W/Q: Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)
Email: Muhammedkaafi@Gmail.com