Soomaalida oo hadda kadib VISA la’aan ah u safri kara ETHIOPIA (Sharci cusub)

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa u ogolaan doonta dadka Afrikaanka ah inay dalkaas ku galaan visa la’aan, xilli miisaaniyeedka 2018/19, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu Teshome.

Aqalka Wakiilada Ethiopia iyo Aqalka Federaalka ayaa shalay kulan wada jir ah oo arrintan ku saabsan ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Addis-Ababa, halkaasi oo go’aankan lagu gaaray. Lama shaacin waqtiga rasmiga ah ee uu dhaqan galayo sharciga.

Ogolaanshaha in dalkaas ay dadka Afrikaanka ah ku yimaadaan dal-ku-gal la’aan ayaa waxaa ka faa’iideysan kara boqolaal Soomaali ah, oo dalkaas u safra, mararka qaarna dhibaato kala kulma helidda Visa-ha dalka Ethiopia.

Go’aanka cusub ayaa dadka Afrikaanka ah u ogolanaya inay marka ay soo degaan garoonka ka qaataan Visa-ha, intii ay dalban lahaayeen ka hor inta aanay iman, sida uu sheegay madaxweyne Mulatu.

Lama sheegin dal Afrikan ah oo go’aankan laga reebay, sidaas darteed, waxaa ka faa’iideysan doono dhammaan muwaadiniinta qaaradda.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaal ay Ethiopia ku dooneyso inay ku horumariso dalxiiska dalkaas, islamarkaana sare u qaaddo dhaqaalaha dalka.

Shirkadda Ethiopian Airlines ee duulimaadyada ayaa ah midda ugu weyn qaaradda Afrika, waxayna sidoo kale waddaa dadaallo ay ku kordhineyso duulimaadyadeeda, taasi oo qeyb ka ah in la fududeeyo imaanshaha dalkaas.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com