Ciidamo isugu jira Soomaali iyo ajnabi ah oo gurigiisa ku dilay Sheekh caan ahaa

Wanlaweyn (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegay in ciidamo Somali iyo Ajnabi ah ay gurigiisa ku weerrareen kuna dileen Sheekh caan ka ahaa degmada Wanla-weyn.

Weerarkan ayaa dhacay xalay saqdii dhexe, markii ay ciidamadan loo maleynayo inay yihiin Mareykan iyo kumaadooska Somalia ay u dhaceen, kuna dileen gurigiisa Sheekha oo lagu magacaabi jiray macalim Nuur Cismaan Bilaal.

Dadka degmada Wanlaweyn ayaa sheegay in Sheekha uu ahaa nin si weyn looga yaqaan degaanka oo tafsiirka Qur,aanka iyo Cilmiga Diinta Islaamka ka akhrin jiray Masjid ku yaalla degmadaaso, iyado aan la ogeyn sababta loo khaarijiyey.

Dadka degmada Wanlaweyn ayaa si weyn uga naxay dilka Sheekha, mana jirto wax war oo ka soo baxay ciidamada Soomaaliya, iyo kuwa la socday ee Caddaanka ahaa.

Ilaa iyo hada ma jirto wax war oo kasoo baxay maamulka Degmada Wala-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose ee ku aadan dilkan xalay loo geystay macalim Nuur Cismaan Bilaal oo tafsiirka qur’aanka ka aqrin jiray masjid ku yaalla Dagmadaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com