“Dib ayaan Soomaaliya ula midoobi doonnaa” Iskama imaan hadalka Dr. Edna

Dhawaan wareysi ay VOA-da la yeelatay Dr Edna, oo hore Wasiirka Arrimaha dibedda ee Somaliland u soo qabatay waxa ay ku sheegtay hadallo farxad galiyey laabta qof walba oo Soomaali ah.

Weydiin ay Sahro Ciidle Nuur oo wareysiga qaadeysay ku tuurtay Adna ayaa u dhigneyd sidan: “Suurtagal ma tahay in Somaliland markale Soomaaliya isku noqdaan oo la’isu yimaaddo?”

Jawaabta Dr. Edna: “Haddii Soomaaliya dowlad wanaagsan ka dhalato, dowlad wanaagsan oo wax lala qeybsan karaa, DABCAN”.

Dhabtii ma ahayn hadallo ay umadda Soomaaliyeed ka fili kartay shaqsi aad ugu ad adkaa qadiyadda gooni isu taagga Somaliland, Dr. Edna, hayeshee, sida waqtiga wax walba u bedelo ayey u muuqatay in Edna uu Iyana u bedelay.

Qodobada hoos ku xusan waxa ay kuu muujinayaan in hadalka Dr Edna iska imaan ee uu ku qotomay waaqaca ama xaqiiqda jirta.

Kow: Dhallinyaraddii Somaliland oo noqday safiirro wanaag ka gudbiya Soomaalida Koonfurta

Haddii aad joogto Muqdisho, waxaa kuu soo baxaysa in caasimadda Soomaaliya is dhexgal aad u weyn ka jiro. Dhallinyaraddii Waqoyiga, haba ugu badnaadeen Hargeisa, Burco iyo Boorame waxa si xawli ah u yimaadaan magaalada.

Imaanshahooda ma aha mid ku kooban, soo arag Muqdisho, balse waa dhallinyaro wax soo bartay oo soo raadsaday fursado shaqo.

Waxaa lagu soo dhaweeyaa farxad iyo xiiso ay u qabaan dhiggooda Koonfurta oo durba ku casuma dalxiis geyn, Liido, Pizza House, Jazeera, Cadalle iyo Warshiikh! Maanta shaqaalaha ugu badan ee  hay’adaha dowladda ilaa iyo xafiisyada Madaxweynaha iyo Raisul Wasaaraha waa dhallinyaro reer Waqooyi ah!

Taas, waxa ay keentay in ay sawir walaalnimo, kalgacal uga gudbiyaan dhallinyrada Koonfurta, taas oo dhabbaha u sii xaarta in dhallinyaro kale ay maalin wala gegida Aadan Cadde ka soo dagaan! Ogow, waa dhallinayaro xoog uga gudbay  xeyn-daabkii xarigga ee maamulka Somaliland!

Qodobka labaad: Siyaasiyiinta Soomaalida oo ka dhawrsada hadallo xanaf keena

Dhammaan madaxdii isu kala bedeshay hoggaanka Villa Soomaaliya, laga soo bilaabo bur burkii kaddib, ma jirin mid hadal xanaf leh u quuray walaalaha Somaliland, taas cagsigeeda, siyaasiyiinta Somaliland qaar baa jira xataa ka gudbay dhaqankii Soomaalinnimo, walaalnimo iyo Islaannimo oo aflagaadooyin ay Soomaali kala mudneyn warbaahinta mariyey – xataa qaar baa yiri, “Wiilka Muqdisho ku dhasha waxaa nooga sokeeya kan Itoobiya ku dhashay!”

Mas’uuliyadda ay isa saareen hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxa ay door ka ciyaartay in ay ugu yaraan ku day’daan dhiggooda Waqooyiga, hadalka Dr. Edna ma aha mid iska yimi.

Qodobka Saddexaad: Garowshiyaha dhibtii gaadhay walaalaha Somaliland

Waxaa isna xusid mudan oo dhabtii bedeli kara ama bedelay mawqifkii Somaliland garowshiyaha ay Soomaalida kale ka bixisay dhibtii uu kacaanka gaadhsiiyey walaalaha Waqooyiga.

Walow, Kacaanku dhib iyo dheefba lahaa, hadana dhibtiisu kuma koobneyd hal deegaan oo waxa uu ahaa mid simmay dhammaan dadka, Puntland dhibbaa ka soo gaadhay, Goboladda dhexe iyo Muqdisho sidoo kale, ma jirto meel uu gaar ku ahaa, taas oo jirta, hadanna Soomaalida Koonfurta waxa ay ka middeysan yihiin in  si gaar ah loogu garaabo Walaaha Waqooyiga maadama ay iyagu ahaayeen kuwii wadajirka markii horeba soo gacalooday.

Gunaanad, Mar haddii ay heshiiyeen Itoobiya iyo Eritrea oo dagaallo laba sano socday isku riiqay, col ahaa ,qorina isla horfadhiyey 20 sano, dhaqan iyo qabiil wadaagin, ogow, hadalka Dr. Edna iskama immaan! Wiilka Gabiley joogga, kan Goof gaduud jooda, Garbahaareey, Buurhakaba iyo Saylac iyo Sanaag, ma aqbali doonaan in la kala xidho.

W/Q: Mohamed Musa Aden (Mohamed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@gmail.com