Somaliland iyo PUNTLAND oo mar kale dagaallamay

Bosaso (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaa ay isku farasaaren ciidamada Somaliland iyo Puntland.

Labada ciidan ayaa lasoo sheegayaa inay isku adeegsaden Hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo inta badan deegaanka laga maqlaayay Madaafiic culus oo ay is weydaarsanayeen labada ciidan.

Hubka ugu badan oo labada ciidan ay isku adeegsanayeen ayaa ah Madaafiic kuwaa oo la xaqiijiyay inay u gudbayeen xaafadaha qaar.

Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen inta ay madaafiicdan socotay inay maqlayeen rasaas goos goos ah oo labada dhinac ay kala ridayeen.

Madaafiicdan ay is weedaar-sadeen labada ciidan ayaa sidoo kale geystay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray dhinacyadan iyo dadka rayidka ah.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno degaanka Tukaraq ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan, balse waqti walba la filan karo in dagaal uu dhaco, maadaama dhinacyadan ay weli is hor fadhiyaan.

Sidoo kale, waxaa Tukaraq wali isku horfadhiya labada ciidan, iyadoo maamul waliba uu ciidamo dheeri ah ku daadgureynayo furumaha dagaalka.

Si kastaba ha ahaatee, dagaalada ka taagan deegaanka Tukaraq ayaa u muuqanaaya kuwo soo cusboonaanaya waxaana suuragal ah in halkaa uu ka dhaco dagaal.

Caasimada Online
Xafiiska Boosaaso
Caasimada@live.com