Xaaf: Marka ay noqoto DF, hal ARRIN ayaa i dhibeysa

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle, oo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa kula shiraayay magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug ayaa iska diiday wararka sheegaya inuu caqabad ku yahay wadahadalka dowlada Somalia.

Xaaf waxa uu sheegay in shaqsi ahaantiisa uusan caqabad ku aheyn dowlada Somalia, hase yeeshee waxa uu su’aal ka keenay sababta ay dowladu faragalinta ugu heyso maamulka.

Waxa uu Hogaamiye Xaaf tilmaamay inuusan diyaar u aheyn amardiido iyo inuu is hortaago amarada Madaxda Qaranka, hase yeeshee ay dhibeyso in mar waliba ay dowladu caqabad ku noqoto howlaha maamulka.

“Waxan maqlaayay kuwo dhahaaya Xaaf waxa uu caqabad ku yahay dowlada adeer anigu kuma ihi balse waxan difaacayaa in faragalin lagu sameeyo maamulka howlihiisa, ka mas’uuliyiin ahaana waxaan idiin xaqiijinayaa in Xaaf uusan dhib ku heyn dowlada”

“Galmudug cadaadis ay diideen maamulada kale qaadan meyso hadii aanu diidnay faragalin xadkeeda dhaaftay ma caqabad ayeynu ku nahay dowlada dowlada ayaa taa la weydiinayaa”ayuu yiri Xaaf.

Waxa uu Xaafa cadeeyay in dowlada Somalia uu ka tirsanaayo dhibaatooyin badan oo ay kamid yihiin faragalin joogta ah, isu adeegsiga labada Gole, dhaliilo joogta ah iyo waxyaabo kale oo uu tilmaamay inaysan wanaagsaneen inuu ka sheego meelaha qaar.

Mas’uuliyiinta maamulka ee uu la kulmaayay ayuu sidoo kale Xaaf ka dalbaday inay qabtaan haddii uu ka khaldan yahay dowlada, balse waxa uu ku nuux-nuuxsaday in laga khaldan yahay.

Sidoo kale, Hogaamiye Xaaf ayaa tilmaamay inaysan wali jirin Isfahan laga gaaray Khlaafka maamulkiisa kala dhexeeyo dowlada Dhexe waxa uuna ku baaqay in xal loo raadiyo tabashooyinkooda.

Dhinaca kale, Xaaf ayaa cod dheer ku sheegay dhamaan waxyaabihii ay tabanaysay Galmudug ay weli yihiin sidoodii, islamarkaana dowladda dhexe iska indha tireyso xalinta tabashadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com