C/Kariin Qalbi Dhagax oo tagey D/Mareeb + Sawirro

Cadaado (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug gaaray Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo maalmahani booqasho ku joogay magaalada Hargeysa iyo Gaalkacyo.

Qalbi Dhagax, ayaa waxaa magaalada kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka kuwaa oo u galbiyay Madaxtooyada maamulka.

Qalbi Dhagax, ayaa lagu wadaa in kulamo kala duwan uu la qaato mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Saraakiisha Hay’adaha amaanka.

Socdaalka Qalbi-Dhagax ayaa salka ku haya xalinta khilaafaadka ka dhex jira madaxda maamulka Galmudug oo iminka gaarsiisan heerkii ugu xumaa.

Waxa uu siyaabo kala duwan uu u qaabili doonaa dhamaan madaxda maamulka isagoo ballanqaaday in halkaasi uu ka laaban doono isagoo xaliyay khilaafka madaxda maamulka kala fogeeyay.

Socdaalka Qalbi Dhagax ee magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo beegmaya xili uu dhawaan sheegay inuu safaro ku tagayo dhulka Soomaalida, isagoo safarkiisa ka soo bilaabay magaalada Hargeysa ee Maamulka Somaliland.