Iska rogadii wadday mayd wadareed-ka ee Muqdisho iyo sheeko aan dib dambe uga warrami doonin (Aqri)

QARIXII SOOBBE IYO QUDHAYDA: Tani waa sheeko mar haddii aad wariso, mar labaad aan ku celis lahayn, nooceeda oo kale wali goob-joog uma noqon, Eebbana dib iima tuso. Waa balliyo dhiig ah iyo bulsho idil oo la isu-wada-dhab-galiyey, dhawaaqeedu waa taah, gurmadkeedu waa dhiig, samirkeedu waa mawd!!!

Laba habeen kahor, waxaan ballan kala qaadannay asxaabtaydii Muqdishaawiyiinta, oo kol haddii aan dharaaro kooban kaddib ka dheelmman doono iigu bushaareeyey in aannu madal caways ah Beerta-Nabadda isgu imaan doonno. Waa bil-khayre, sow barbaartii oo dhaga-dhammi, cadda-niidhigii shaah cadays leh, cawayskii kabanka iyo codka fanaanka looma sacab tumin.

Laba maalmood kaddib, Goor ay Casar tahay, ayaa qarax xooggani dhacay, dhulkaa gariiray, wax yar kadibna taleefankaygii ayaa gariir aan kala joogsi lahayn bilaabay, waa asxaab iyo ehel nabad-qabkayga iyo halka aan joogo i warsanaysa, waa nabad mooyee, qofnna uma sheegin halka aan joogo. Halkayse nabaddu joogtaa!?

Galabtaas wixii aan il’ mug leh ku arkay, wuxuu ahaa “Dhulku kula gariir, cirku kugu gadood, baddu kugu galgalatay” Baroorta baxaysa, taaha naflaha, naftu iska gurayso, dhiigga qulqulaya, Aadamaha holcanaya, dad-waynaha dultaagan ee gurmadka ah, kuwa baadi-soocda waa mayd iyo waa dhaawac ku fooggan. Allaahu akbar, maantaa wixii aan arkay qalinku ma koobo!

Caasimaddii gabbal madow ayaa u dumay, guri walba tacsi iyo tiiraanyo ayaa taallay, labadii qof ee wada taaganina tira koobta dhaawaca iyo maydka ayay iska waraysanayeen, waadse tira roorantaa markii aad taxayso tiro saacaddii kastaba sii kordhaysa!!!

Laba maalmood oo qarracan ah kaddib, waxaan goostay in aan Nairobi gaadho, bal kaalay adigu Garoonka Diyaaradaha gaadh! Waddo walba waa go’antahay, waxaa la baadi-goobayaa cadawgii qaraxa gaystay. Deegaanka Afisyooni ayaan ka wareegnay si aan dhabarka danbbe Garoonka uga galnno, Waxaan ku soo baxnay Bar-Ciidan oo mashquul badan, waxaa naga horeeya laba gaadhi oo Iskarogo/Qallaabi ah oo urta ka soo baxaysa aan dhibsannay, ugu yaraan khashin bay sideen baan is nidhi. Askarigii wuxuu durba amar nagu siiyey in aan dib u laabanno, wariyaha  Abdikadar Abdullahi Mohamed oo ila socday ayaa askarigii si deggan oo xushmad leh ugu qanciyey in uu birta naga qaado, waase in aan sugnaa inta ay na dhaafayaan Iska-rogooyinku.

Askarigii ayaa arrin layaab badan noo sheegay, wuxuu yidhi: “Iska-rogooyinka waxaa saaran maydkii laga soo uruuriyey Soobbe, xabaala-wadareedyo ayaa loo qodayaa ee qunyar u socda oo dhaafa maydka!”

Qarixii Soobbe, wuxuu ahaa #Dhul_Gariir_Nacayb_Aadame ka sheekayntiisana “waxaa ballan ah in aanan goob kale ka sheegin, Haddii aad walaal akhriday sheekadan ilow oo naftaada ku beer #Jacayal ubadkaagana ku barbaari #Nabad.”

Abdirashid M. Hashi