Muqdisho iyo Moto-Bajaaj maxaa kala haysta? (Aqri)

Waxaa qoraalkan gaaban ku fiirin doonaa isbarbar dhig saamaynta bulsho, dhaqan-dhaqaale iyo mida deegaanka ay gaadiidka “Autoshaw” oo looyaqaan Moto-bajaajta ay ku leedahay Caasimada iyo dallka.

Wareegtada ka soo baxday gudoomiyaha gobolka Benaadir eng-yarisow ee ku saabsanayd mamnuucida soo dajinta moto-bajaajta magaalada muqdisho oo ubaahan qorshe howleedkii lagu joojin lahaa, waan soo dhaweynayaa talaabadaas uu gudoomiyuhu qaaday!! Anigoo ku salaynaya indho indhayn aan ku sameeyey faa’idooyinka iyo khasaaraha bulsho ee gaadiidkan.

Sida ka muuqata qoraalka mamnuucida waxaa lagu saleeyey inay tiro ahaa soo badatay sidoo kalena ay amnigana caasimadana dhib ku hayaan!!

Hadaba maxaa ka mida dhibaatooyinka Qarsoon iyo kuwa muuqda ee gaadiidka looyaqaan Moto-Bajaajta.

Dhibaatooyinka:-

1. Shidaalka ay isticmaasho motto-bajaajta waxaa lagu daraa Oil waxayna deeganka kusoo daysaa qaac iyo diiqad badan oo dhibaataye deeganka caafimaadkiisa kaas oo saamayn dadban ku yeesha caafimadka dadka iyo kororka heer kulka dhulka.

2. 90% waxaa darawaliin ka ah dhalinyaro da ahaan ka yare 20 sano! Tani waxay sababtay inay dhalinyaradu meeshay aroortii waxbarasho u aadi lahaayeen inay u kalahaan wadida moto-bajaajta! Halkaas waxaa hoos udhac ku imanayaa tiradii iyo tayadii dhalinyaradii waxbaran lahayd iyo aqoontii bulshada!

3. Tirada Moto-bajaajta oo badatay waxay qab ka noqotay khalkhalka amniga iyadoo noqotay in waxbadan lagu dhibaateeyo sida in kii wax gaystaa uu ku dhuunto ama ku cararo! Tusaale hadan soo qadano:- Kismayo wax Moto-bajaaj ah kama shaqeeyaan, sidoo kale Baydhabo habeenkii markaa qoraxdu dhacdo waa laga joojiyaa shaqada wadooyinka magalada dhex mara! Labadas magaalo waxay ka mid yihin meelaha ugu aminiga fiican!

4. Shilkeeda ayaa aad ugu badatay magaalada maadaama aysan khibrad badan iyo masuuliyad lahayn darawaliintu dhalinyaronimada darteed intooda badan!

5. Waxaa soo ifbaxaya dhaqan xumo faro badan oo aysamaynayan dhalinyaradani sida isticmaalka drugs-ka, musics-qaylo dheer oo habeen iyo maalin ka baxaya iyo wixii lamidkaa oo aan cidina ka xakamaynayn.

6. Bilacda caasimada ayey wax udhintay ! Waxayna cariir ka dhigtay wadooyinka caasimada dhex mara.

Faa’iidooyinka:-

1. Waxaa noloshooda laga maareeyaa qoysas badan oo magalada ku nool iyo guud ahaan gobolada Wadanka.

2. Dad badan ayaa aaminsan inay yaraysay tahriibta dhalinyaro badan oo ka dhigtay shaqo abuur oo ku nagaaday wadanka!

Mahadsanidiin
Khalif Hassan