Qatar oo jawaab ka bixisay digniin shirkadda Qatar Airways laga soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Qadar ayaa ka hor imaaday digniino ku aadan in diyaaradaheeda rakaabka ay u duulan dalka Iran kadib cunaqabateyn uu Mareykanka saaray Iran.

Maamulka Shirkada diyaaradaha ee Qatar Airways ayaa sheegay in cunaqabateynta la saaray Iran aysan u hakin doonin duulimaadyadeeda Iran.

Maamulka shirkada ayaa tilmaamay inay ka go’antahay sii wadida duulimaadyada ay diyaaradahooda ku tagaan Iran.

Madaxa fulinta shirkada Qatar Airways Akbar Al Baker, oo saxaafada kula hadlay magaalada Dooxa, ayaa sheegay inaanu waxba ka galin digniinaha iyo cunaqabateynta laga bixinaayo hawada Iran.

Akbar Al Baker, oo hadalkiisa sii watay ayaa balan qaaday in ay sii xoojin doonaan howlaha duulimaad oo ay ka wadaan Iran.

Waxa uu Mr Akbar intaa ku daray in cunaqabateynta mareykanka uu saaray Iran aysan ka hor imaan doonin duulimaadyada ay ku tagaan magaalooyinka Iran.

Sidoo kale, Akbar Al Baker, waxa uu cadeeyay in Qadar aysan aheyn Iran, Irana aysan aheyn Qadar, hase yeeshee ay u muuqaneyso howlahooda duulimaad ee Iran.

Dowlada Qatar oo xiriir ganacsi iyo mid ka siyaasadeed la leh Iran ayaa marba marka ka danbeysa ah mid sii xoogeysanaya tan iyo markii uu fashilmay afganbi sanadkii la soo dhaafay sacuudiga uu la damacsanaa Qatar.

Dhinaca kale, Jawaabta Qadar ay ka bixisay digniinta duulimaadka Iran ayaa ku soo aadeysa iyadoo xukuumada Iran cunaqabateyn dhaqaale uu ugu soo rogay mareykanka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com