Dhageyso: Warbixin xasaasi ah: Qaabkii lagu dilay suxufigii galay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul + Sawirro

Istanbuul (Caasimada Online) – Warar isa soo taraaya oo laga helaayo Booliska dalka Turkiga ayaa muujinaaya inay suuragal tahay in la dilay wariyaha u dhashay dalka sacuudiga ee lagu magacaabo Jamal Khashoggi

Mus’uuliyiin iyo Saraakiil ka tirsan dowlada Turkiga ayaa laga soo xigtay in Weriye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay gudaha dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Turkiga.

Jamal Khashoggi, oo raqdiisa ay ugu danbeysay afar cisho ka hor kadib markii uu galay Qunsuliyadda dalka Sucuudiga ee magaalada Istanbul oo uu kasoo sameysanaayay Dukumiintiyo si uu u guursado.

Booliska qudhiisa ayaa rumeysan in Jamaal uu Qunsuliyada gudaha u galay si uu uga soo qaato Dukumenti ku saabsan guur uu qorshaynayey inuu galo.

Booliska Turkiga waxa uu sidoo kale qabaa in Weriye Jamal Khashoggi lagu dhex dilay Qunsuliyada kadibna si degdeg ah loo dhoofiyay si aanu khilaaf Diplumaasiyadeed u dhexmarin labada dal.

Mas’uul ka tirsan Qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul ayaa beeniyey eedahaasi waxa ayna sidoo kale inkireen in Weriyahaasi uu ku dhex jiro Qunsuliyada ama ay dileen.

Haddaba hoos ka dhageyso warbixin ay baahisay Idaacada VOA oo muujineysa in la dilay Weriye Jamal Khashoggi

Demonstrators hold pictures of Saudi journalist Jamal Khashoggi during a protest in front of Saudi Arabia’s consulate in Istanbul, Turkey, October 5, 2018. REUTERS/Osman Orsal – RC1481CA3470