Shirkii Garoowe ee madax goboleedyada dalka oo dib u dhacay kadib go’aan ka yimid beesha caalamka

Nairobi (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo gordhow ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in shirkii madax goboleedyada dalka ee lagu waday inuu tobanka bishan ka furmo magaalada Garowoe uu dib u dhacay kadib go’aan iyo cadaadis xooggan oo ka yimid beesha caalamka.

Shirka ayaa dib loo dhigay illaa 15-ka bishan, sida xubno ku dhow madax goboleedyada ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Wakiilada beesha caalamka oo laba maalmood ka hor madax goboleedyada kula kulmay Nairobi, ayaa u sheegay in shirka ay dib u dhigaan, ayada oo beesha caalamka ay rajeeneyso inay xal gaaraan ayaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya ka hor shirka.

Wararka ayaa sheegaya in beesha caalamka ay rumeysan tahay in qodobo kale oo shir ka dhaca Garoowe kasoo baxa ay kasii dari karaan khilaafka, oo sii fogeyn karaan dowladda dhexe.

Beesha caalamka ayaa lagu warramayaa inay iminka wada-hadallo la leedahay dowladda dhexe, oo ay dhankooda dhageysanayaan, waxaana jira dadaal la doonayo in ra’iisul wasaare Kheyre ku tago magaalada Nairobi, si uu ula kulmo.

Si kastaba, kheyre ayaa la sheegay inuu ku adkeysanayo inaanu tegi doonin Nairobi, ayada oo uu horey u sheegay inaanu aqbali doonin in daraf saddexaad uu dhex-dhexaadiyo dowladda dhexe iyo madax goboleedyada.

Madax goboleedyada ayaa la sheegaya in ilaa 15-ka bishan siiyeen beesha caalamka, haddii xal lagu gaari waayana ay ka go’an tahay inay shirka qabtaan.

Shirka ayaa la filayaa in markii ugu horreysay ay ka qeyb-galaan madaxda xisbiyada mucaaradka dowladda qaarkood, laguna dhiso isbaheysi xooggan oo ka dhan ah dowladda dhexe. Halkan ka aqri xogtaas.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com