Xoosh Jabriil oo shaaciyey xubnaha ugu saameynta badan NABAD iyo NOLOL

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Dastuurka ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya Cabdi Xoosh ayaa si kaftan ah banaanka ku soo dhigay xubnaha ugu saameynta badan ee xildhibaanada ah eek u jira xukumadda Nabad Iyo Nolol.

Xoosh oo badanaa adeegsada cauyaaraha ayaa ku tilmaamay Wasiir ka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Xassan in uu yahay Maxamed Saalax-ha Nabad iyo Nolol, xilli uu ugu hambalyeynayey kursigii Barlamaanka ee uu maanta ku soo guuleystay.

Sidoo kale, waxa uu Lionel Messi ku tilmaamay Wasiirka Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Baare, halka uu Sheekh Nuur ku tilmaamay Neymar.

Dhinaca kale isaga oo sii wada sifeynta xubnaha waa weyn ee Nabad iyo Nolol, waxa uu Cabdifataax Ibraahim Geeseey ku tilmaamay Ronaldo, halka uu Luka Modric ka dhigay Aadan Isaaq, oo ah wasiir ku xigeenka warfaafinta.

Halkaas kuma joogsan, Wasiirka Ciyaaraha iyo Dhallinyarada, Khadiijo Diiriye ayuu ku tilmaamay Eden Hazarda- iyo macallinka kooxda Nabad iyo Nolol!

Wasiir Cabdi Xoosh waxa uu ka mid yahay wasiiradda ugu saameynta badan ee dowladda Federaal-ka Soomaaliya.