Dhuxulow: Ma aqbaleyno in Daynille ay tahay degmada kaliya ee ay joogaan Militari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamay inay Dayniile noqoto degmada kaliya oo ay ku taalo Saldhig Militari.

Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo ka hadlayay Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha cusub ee degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in aan loo dulqaadan karin in degmada ay noqoto xero milateri.

“17-ka degmo ee Gobolka Banaadir degmada Dayniile ayaa ka jirto degmo ay Ciidamo Milateri degan yihiin, in degmo ay Milateri degenaadaan wax socon karo ma ahan, mana loo dulqaadan karo”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow oo intaa ku daray in Madaxda dalka haddii aanay arrintan ogeyn ay ogeysiinayaan.

Wuxuu Degmada Dayniile ku tilmaamay inay noqotay mid uu booqdo Taliye kasta oo ciidamada loo soo magacaabo isla markaasna uu sheego inuu booqday Xarumo Militari oo ku yaal Degmada Dayniile.

“Maalin kasta Wasiir cusub iyo Taliye cusub ayaa la soo magacaabaa, shaqo kasta uu qabto wuxuu dhahaa waxaa soo kormeeray xeryaha ciidanka Dayniile, horta Dayniile yaa habaaray oo degmooyinka kale u duceeyay, haddii ay noqonayaan in ciidan ay degmada joogaan waa ciidanka booliska oo shacabka kalsooni ku qaba”ayuu yiri Xildhibaan Dhuxulow.

Degmada Dayniile ayaa waxay ka tirsan tahay 17 degmo ee Gobolka Banaadir waxaana ku yaalo Xeryo Militari oo  ay kamid yihiin Kulliyaddii Jaalle Siyaad, Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Xarumo kale oo ay daganaan jireyn Ciidamadii Dowladdii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Hadalka Mustaf Dhuxulow ayaa hadal heyn weyn ka dhex abuuray Baraha Bulshada ee Soomaalida, wuxuuna noqday hadal fasiraad kala duwan laga bixiyey.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com