Maxkamdeynta Cabdi Iley maxaa kasoo baxay? (Aqri)

By Saalax Saciid Sabriye

Adis Ababa (Caasimadda Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya, Cabdi Maxamed Cumar, ayaa maanta markii saddexaad lasoo taagey Maxkamad ku taalla magaalada Addis Ababa, ee xarunta dalkaasi.

Xubno katirsan qoyskiisa, eheladiisa iyo qareenno u doodaya ayaa ka qeybgalaya dhageysiga Maxkamadda ay dhageysanayso dacwadaha loo haysto Cabdi Maxamuud, iyadoo aan la ogeyn xiliga rasmi ahaan  go’aan laga gaari doono.

Xeer ilaalinta dacwadaha ku soo oogtay Cabdi Maxamuud Cumar, aya dalbatay in la siiyo 10 maalin oo kale, si ay usoo dhameystiraan cadeymaha buuxa ee eedaha loo heysta Cabdi Maxamuud.

Waxey noqoneysaa markii 4-aad ee Maxkamada Addis ku taala la soo taago Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Somalida.

Cabdi Maxamuud Cumarayaa lagu xiray Addis Ababa bishii lasoo dhaafay ee August, maalmo kadib markii uu xilka iska casiley, sidoo kalena Baarlamaanka dowlad degaanka uu ka qaadey isaga iyo mas’uuliyiin kale xasaanadda.

Waxaa lagu soo eedeeyay Cabdi xad­gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kicinta rabshadihii ka dhacay Jigjiga iyo magaalooyin kale, oo u dhaxeeyay qowmiyadaha degan DDSI iyo musuq­maasuq.

Kiisaskan oo aad u culus, ayaa hadii lagu helo Cabdi Maxamuud  waxaa la sheegay inuu ku muteysan karo xabsi sanado badan ah, waxaana uu dhawaan codsaday in la cafiyo, isagoo baaqaas u diray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha cusub ee DDSI, Mustafa Maxamed ayaa markii uu xilka la wareegay balan­qaadey in cadaaladda la marsiin doono cid walba oo dembi ka gashay shacabkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com