Xog: Imisa lacag ah ayaa ku baxday in mooshinka WAARE dib looga noqdo?

Jowhar (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa waxa ay kasoo baxayaan hanaanka loo maray xalinta Mooshinka laga diyaariyay Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabelle Maxamed Cabdi Waare.

Mooshinka oo ahaa mid ay saxiixeen 54 Xildhibaan ayaa waxa uu Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare ku furfuray dhaqaale xoogan oo la sheegay in lasiiyay Xildhibaanada.

Waare oo dareensan culeyska Mooshinka uu watay ayaa Xildhibaankiiba siiyay lacag dhan min 2,000 oo dollarka Mareykanka uu kala sii tagay magaalada Muqdisho.

Mid kamid ah Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa caasimada Online u xaqiijiyay in Xildhibaanada lagu kala furfuray dhaqaale, isagoo cadeeyay in Xildhibaankiiba uu Hogaamiye Waare siiyay lacag dhan laba kun oo dollar.

Xildhibaanka oo ka gaabsaday isticmaalka magaciisa ayaa tilmaamay in Hogaamiye Waare qudhiisa uu qabay dareenka Mooshinka iyo sababaha ka danbeeyay in la diyaariyo Mooshinka, taa oo sabab u noqotay in xal degdeg ah laga gaaro Mooshinka.

“Runtii mooshin waliba waxa uu muujiyaa dareen gaara inta badan mooshinada waxaa ay tilmaaman baahi markaa jirta oo la doonayo inuu xaliyo hadba qofka laga keeno mooshinka”

Sidoo kale, Mooshinka xalkiisa loo maray dhaqaalaha ayaa Hogaamiye Waare u noqonaaya kii Seddexaad uu ku xaliyay dhaqaale, waxa uuna mar waliba yahay mid dareenkiisa qaba.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan Xildhibaanada baarlamaanada min heer Federaal ilaa Maamul Goboleed ayaa Mooshinka u adeegsada mid ay ku xaliyaan baahiyahooda gaarka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Jowhar

Caasimada@live.com