Sawirro: Wefdi ka socda DF oo gaaray Garoowe

Bosaso (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland maanta gaaray wafdi ka socda Guddiga Dastuurka ee heer Federaal waxaana si diiran usoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

Wefdiga oo xubno dhowra ayaa waxaa horkacaaya Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee BFS Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid).

Wefdiga ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay uga qeybgalaan shirweynaha labaad ee dib u eegista Dastuurka Somalia oo ka ka furmi doona magaalada Garoowe.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka Qeybdiid oo halkaa kula hadlay Saxaafada ayaa sheegay in shirweynaha uu socon doono muddo Seddex cisho ah.

Qeybdiid, waxa uu sheegay in shirka uu noqon doono mid daahfur u ah la tashiga cutubyada dib u eegista lagu sameeyey ee 1aad ilaa 5aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya.

Sidoo kale, Sanator Qeybdiid waxa uu tilmaamay in shirka ay ka filayaan natiijo aad u wanaagsan oo ku qotoma arrimaha Dastuurka.