Wasiirada PUNTLAND oo maanta laga mamnuucay in ay tagaan MUQDISHO

Garoowe (Caasimadda Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ayaa faah faahin ka bixiyay tallaabadii lagu joojiyay kulan uu magaalada Garowe ku qaban lahaa Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Xasan Maxamed.

Waxaa uu sheegay in sababta ay tahay in maamulka Puntland ay xiriirka u jareen dowladda Dhexe ee Soomaaliya,islamarkaana ay muhiim tahay in la dhaqan geliyo Go’aankii Madaxda Maamul goboleedyadda.

“Illaa laga heshiiyo oo laga dhaqan geliyo heshiisyadii horay, halkan cidii iska soo gashay oo shirar isaga qabsado waxay noqoneysaa cid dhibaatada dalka qeyb ka ah”ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Qarjab ayaa sheegay in Wasiiradda Puntland aysan tagi karin Magaalada Muqdisho,islamarkaana aysan la shiri karin Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

“Waa la joojiyay in la isu gudbo Wasiirada xamar ma tagi karaan shir kama qeyb geli karaan, illaa la heshiiyo”ayuu yiri Wasiir Qarjab.

Xiriirka dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada ayaa xumaaday tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii magaalada Kismaayo lagu soo gaba gabeeyay bishii September ee sanadkan, xilligaasi oo mamul goboleedyada ay sheegeen inay hakiyeen wada shaqeyntii ay la lahaayeen dowladda dhexe.

Halkaan hoose ka dhageyso hadalka Wasiirka Warfaafinta Puntland

Caasimada Online
Xafiiska Adis Ababa
Caasimada@live.com