Qalad weyn oo fashil ku ah oo mucaaradkii NAIROBI ku shiray ay ku dhaceen

Todobaadkan ayey aheyd markii rag u badan xil-dhibaano iyo masuuliyiin kale shir ku qabsadeen magaalada Nairobi dalka Kenya. Kulankaan oo uu ka soo baxay qodobo dhaliil loogu jeedinayo xukumadda hada dalka hoggaamise ee horumoodka ka yahiin Khayre iyo madaxweyne Farmaajo. Dabcan muwaadiniinta noocay rabaan ha la haadaane xaq dastuuri ah ayey u leeyahiin kulamo in ay qabsadaan oo wax iska weydiiyaan xaaladda dalkooda, dhaliilano soo jeediyaan. Laakiin Kulankan Nairobi lagu qabtay iyo qadobadii ka soo baxay ee dhaliilaha lahaa ee warbaahinta lagu baahiyey anshax ahaan waxay ahaayeen qalad, waana tan sababta;

Waxaa ceeb ah inta dalkii xil-dhibaanka ka aheyd ka tagtid oo waddan shisheeye tagtid in aad madaxdaada soo dhaleeceysid. Aduunkana ma jirto waddan kale oo ay sidaan ka dhacdo oo aan aheyn Soomaaliya. Waxayna marqaati ka tahay garaad xumada siyaasiin ku sheega soomaali maanta illaahey ku ibtileeyey. Waxaa marqaati kuugu filan in aysan aheyn wax aduunka kale ka dhaca, maalmo ka hor inta uusan shirkan ka dhacin magaalada Nairobi, waxaa booqasho ku joogtay dalka Irland Nancy Pelosy oo ah guddoomiyaha aqalka Congres-ka ee Maraykanka. Socdaalkeeda waxa uu ku soo aadey soo baxitaankii warbaxintii la wado sugayey ee baaraha khaaska ah ee Bob Mueller. Nuxurka warbaxintaan ku jiray oo ay warbaaahinta tabineysay lana sheegay in ay ku jiraan falal guracan oo madaxweynaha Marankanka Donald Trump ku kacay ayaa saxaafadda ka codsatay Nancy Pelosy in ay wax ka tiraahdo. Balse waxay ku jawaabtay “waddanka intaan ka soo dhuufno madaxweynaha dhaleeceyn mayno” https://cbsn.ws/2W4apfQ. Nancy waxa si fiican uga warheysaa anshax xumuda ku jirta in hoggaanka waddankaaga aad dhaleeceysid adoo dal shisheeye marti ku ah, si kasta oo aad ugu kacsan tahay. Garaadkas waa ka dhoohanyahiin soo lama oran karo kuwii Nairobi ku shiray?

Sheegasho “caburin”

Madaxda soomaalida ee ku shiray Nairobi waxay ku andacoodeen in aan aysan shirkaan ku qabsan karin dalka gudahiisa oo ayna daruuf ku kaliftay Nairobi in ay ku kulmaan maadaame sida ay yiraahdeen “la caburiyey”. Xasuusnow ragga sidaas leh intooda badan waa wakiilo xil-dhibaano ah oo laga sugayey dimokaraatiyadda curdunka ah daddka in ay u illaaliyaan. Laakiin qof kasta oo garaad leh warkooda markuu sii dhuuxo waxa u soo baxaysa sheegashadooda run badan in aysan ku jirin. Waa la wado ogyahay dowladda Xamar in ay ku xoogan tahay, dalkana Xamar keliya ma wado ahan oo deegano badan oo caburinta ay sheegteen uga badbaadi kareen baa jirta.

Halka uu ka soo bilowday dhaqankaan ah dibadaha in layska soo dhaleeceeyo?

Dhaqankaan ah in dalalka dariska ah dowladda laga soo dhaleeceeyo ma ahan mid hadda soo bilowday balse waxaa mid soo bilowday xilligii xukumaddii keli taliska aheyd. Gar bay u lahaaayeen siyaasiintii wagaas in shirarkooda in ay ku qabsadaa waddamada derisk ah dowladda ka soo dhaleeceeyaan dibadaha. Waayo xukumaddii wagaas si furan gudaha waddanka looguma dhaleeceyn karin qatar dhaf iyo maal leh awgeed. Xiliyadii burburkana daruufahii jiray baa kalifay in qolyahii isdiidanaa ay dibadaha iska soo dhaleeceeyaan shirarkooda ku qabsadaan caasimadaha deriska.

Ceebteenu ma carwo la dhoofiyey noqotay?

Waxaan moodeynay hadaan dadka soomaaliyeed nahay in albaabkas mar hore la xiray oo aan gaarnay waqti aan dalkeena gudahiisa ku doodi karno oo isku dhaleeceyn karno inaga oo dhibaato isku geysan, lagana soo gudbay kalsooni daradii nagu dirqin jirtay u kala oradka shisheeyaha.

Dabcan kuwa maanta xukunka hayaa wax badan waa qaldeen dhaliilna waa mudan yahiin laakiin marna naguma qancin karaan mucaarad ku sheegu in arrimaheena gudaha ay ku haboontahay in looga doodo caasimadaha shisheeye. Ceebteena ay ahaato carwo gurguurto oo hadba magaalo shisheeye lagu soo bandhigo.

W/Q: Warsame Elmi
Elmiwar@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid