Xog: Mursal oo Farmaajo la wadaagay digniin culus – Arrin xasaasi ah oo socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa todobaadkii la soo dhaafay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku wargeliyay fariin digniin ah oo uga timid Xildhibaano ka badan 100 qof .

Fariintaan digniinta ah oo ku wajahan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa Guddoomiyaha ku wargeliyay Guddi Xildhibaano ah, kuwaas oo wakiil ka ahaa Xildhibaano kale iyadoo Guddoomiyaha laga dalbaday in uu Jawaab deg deg ah ku soo celiyo.

Fariinta digniinta ah ee ku wajahan Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa aheyd in Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu aqbalo Mooshin Xil ka qaadis ah oo ay saxiixeen tiro ka badan 110 Xildhibaan, kuwaas oo damacsan in ay Kalsoonadi kala noqdaan Raysal Wasaaraha Soomaaliya hadii uu diidana ay Xildhibaanada Mooshin ka keeni doonaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka ama Madaxweynaha Soomaaliya.

Arintaan ayaa todobaadkii hore baajisay dhowr kulan kadib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka uu ka cudur daartay ku jawaab celinta Xildhibaanadii fariinta u dhiibay, isagoo u sheegay in uusan helin Jaanis uu kula shiro Madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online ayaa saacadihii la soo dhaafay arintaan ogaatay, waxaana u xaqiijiyay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Xubno dhowr qof ah oo katirsan Golaha Shacabka.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxaan iyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa arintaan ka shiray. waxaana la sheegay in uu Guddoomiye Maxamed Mursal Madaxweynaha ku wargeliyay Mooshinka uu haayo ee ka dhanka ah Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre.

Mursal ayaa la sheegay in Madaxweynaha kula taliyay in Raysal Wasaare Kheyrre baarlamaanka hortago oo uu iska difaaca Mooshinka. isagoo diyaarsanaya Wasiiradiisa iyo Saaxiibada uu ku leeyahay Golaha Shacabka. halka Madaxweynaha uu dalbaday in uu ka soo laabto safar uu ku aadayo Masar iyo Eritrea waana socdaalka uu hada ku marayo wadamo kamid ah Afrika.

Lama oga sida uu u qaabilo doono Madaxweynaha Soomaaliya Xildhibaanadaan ku kacsan Raysal Wasaare Xasan Cali Kheyrre. kuwaas oo doonaya in uu Raysal Wasaaraha baneeyo hey’adda fulinta maadaama uu soo joogay muddo kabadan 2 sano.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com