Ethiopia oo Kenya u ballan qaaday inuu saameyn ku yeelan doonin heshiis ay la gashay Soomaaliya

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Ethiopia ayaa dowladda Kenya u balanqaaday in wax saameyn ah uusan ku yeelan doonin heshiisyada dhanka dekadaha ah ee ay la galeen dalal Soomaaliya ay kamid tahay.

Meles Alem oo ah danjiraha Ethiopia ee Kenya ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyaga oo ka wada hadlay arimo ay ka mid yihiin heshiisyadii labada dowladood ee dhanka Badda.

Wuxuu u sheegay Kenyatta in heshiisyadii horey ay u wada saxiixdeen labada dowladood aysan waxba iska badali doonin marka loo eego heshiisyada Ethiopia la gashay dalalka Soomaaliya, Jabuuti iyo Eritrea.

Kenya ayaa horey walaac badan kaga muujisay heshiisyadii Ethiopia la gashay dowladda Soomaaliya kaasi oo dhigayay inay maalgashi ku sameyneyso ku dhawaad 4 dekadood oo Soomaaliya ku yaala.

Ethioia waxaa kale oo ay heshiis dhinaca dekadaha ah kula jirtaa dalka Jabuuti oo hadda ah halka ugu weyn ee ay badeecadaha dibadda uga soo degaan Ethiopia, sidoo kale xukuumadda Addis Ababa ayaa maalgashaneysa Dekadda Casab ee Dalka Eritrea.

Ethiopia iyo Kenya ayaa horay ugu heshiisyay dhismaha Dekad laga dhisayo Lamu, taas oo sidoo kale loo sameynayo Waddo Tareen oo Dekaddaas ku xirta Ethiopia, Koofurta Suudaan iyo Rwanda.

Ethiopia ayaa adeegsata dekadaha dowladda Kenya, waxaana Kenya halkaasi ay ka heshaa dhaqaalo badan oo canshuurta kaga soo xaroota.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com