Daily Nation: Laba caqabad ayuu Axmed Madoobe wajahaa si dib loogu doorto

Nairobi (Caasimada Online)- Dhawaan waxaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacaya doorashada madaxweynaha maamulka Jubbaland, waxaana doorashadaasi ay tahay mid isha lagu wada hayo dadka ku tartami doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale isha ku haysa doorashada, waxaana socota kala xod xodashada Musharixiinta ku tartameysa doorashada Kismaayo, iyadoo madaxweyne Axmed Madoobe markaan uu wajahayo tartan adag.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda Door iyo saameyn ku leh doorashada magaalada Kismaayo, maadaama ay doonayaan inuu hogaanka qabto ruux ay taageersan yihiin, iyadoo ay faragelin weyn ku hayaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Haddaba Yey yihiin Musharixiinta tartanka la gali kara Axmed Madoobe iyo saameynta dowladda Kenya?

Sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi, musharixiintaasi waxaa ku jira wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo ruux ay isku xisbi ahaayeen Axmed Madoobe oo magaciisa lagu koobay Sheikh Daahir, waxaana labadooda ay isku reer yihiin Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe awood ayuu ku leeyahay deegaanada Jubbooyinka, waxaana kale oo uu heystaa awood dhanka meletariga ah, dhaqaalo iyo saameyn awooda Jubbaland ah,

Axmed Madoobe ayaa dhibaatooyin kale kala kulmi kara qabiilada kale wuxuuna isku dayayaa inuu dajiyo xaalada iyo culeesaadka ka heysta qabiilada kale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhawaan booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, wuxuuna la kulmay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, si uu taageero kaga helo.

Siyaasadda Soomaaliya waxaa saameyn ku leh qabiilada, waxaana Kulankii madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe uu ahaa mid  diirada lagu saaray tabashooyinka beelaha kale ay ka qabaan maamulka Jubbaland.

Cabdirisaaq Fartaag oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, islamarkaana dhowaanahan ku caan baxay dhaliilihiisa ka dhanka ah nidaamka maaliyadda Soomaaliya, ayaa ka mid ah xubnaha rajada ka leh inay booska ka riixdaan Axmed Madoobe,

Si kastaba, Fartaag, wali ma uusan cadeyn inuu musharax yahay “Waxaan go’aan qaadan doonaa seddexda ilaa afarta isbuuc ee soo socda”ayuu Yiri Mr Fartaag oo la hadlay wargeyska Daily Nation oo kasoo baxa dalka Kenya.

C/Wahaab Sheikh Cabdi oo la taliye ka ah xarunta talo soo jeedinta Bariga Africa ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu culees badan ka heysto dhanka qabiilada, isaga oo garab ka helaya Kenya oo dhabarka ka taagan.

“Qabiilada kale ayaa isaga kasoo horjeeda, waxay aamisan yihiin inuu helayo taageerada Kenya, laakiin haddii doorashada ay tahay mid cadaalad ah oo madax banaan wuu guul dareysan doonaa”ayuu yiri C/Wahaab.

DANAHA KENYA

Axmed Madoobe iyo maamulkiisa ayaa marar badan lagu eedeeyay Musuq maasuq iyo cambaareyn la xiriirta dhanka ganacsiga magaalada Kismaayo.

Qabiilkiisa ayaa lagu eedeeyay inay qabiilada kale ay ka leexsadeen Dhaqaalaha iyo nidaamka dowladnimada.

“Kenya muddo badan ayay daneyneysay inay hagto mabaadii’da Jubbaland, Ma dooneyso in dadka colaadaha ah ay la wareegaan hoggaaminta Deegaanka”sidaa waxaa yiri Prof Macharia Munene oo ah falanqeeyo siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com