Guddiga doorashooyinka oo la kala saftay xisbiyada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Gudida Doorashooyinka Somaliland ayaa maanta Xafiiskooda kulan kula qaatay xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, oo shalay soo saaray heshiis ay ka gaadhen khilaafka doorashooyinka Somaliland.

Gudida Doorashooyinku kulanka ay la qaaten labadan xisbi ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnayeen oo warbaahintuna dibed joog ka aheyd, iyagoooo kaga wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa qabsoomida doorashooyinka.

Kulankan ayaa sidoo kale si gaara looga wada hadlay Go’aankii ay shalay wada gaaren xisbiyadda Kulmiye iyo Ucid, inkastoo xisbigii Waddani uu isagu go’aankas meel adag iska taagay, kaasi oo ku baaqayna in la kala diro gudida doorashooyinka ee waqtigan.

Wararka aan ka helayno kulankan ay yeeshen labadan xisbi iyo gudida doorashooyinku ayaa sheegaya inuu kusoo dhamaaday is-fahan, inkastoo guddida doorashooyinku ay walaac badan ka muujiyen maqnaashaha xisbiga Waddani, iyagoo u balamayna kulan dambe oo ay iskugu yimaadan.

Dhinaca kale, Xisbiga ugu weyn mucaaridka Somaliland ee Waddani ayaa isagu maanta cadeeyay inaanay jirin laba xisbi oo kaligood doorasho qabsan karaa, wuxuuna ku tilmaamay mid laga xumaado in go’aanka ay gaadhen xisbiyada Kulmiye iyo Ucid.

Khilaafka xisbiyada u dhaxeeya ee ku aadan Doorashooyinka Somaliland ayaa ah mid in badan soo noq-noqday oo Bulshada reer Somaliland ku abuuray jahwareer, iyagoona u hanqal taagaya halkuu sal dhigan doono khilaafka ka taagan doorashooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com