Somaliland oo xabsiga kasii deysay labo hablooda oo dalka Canada u dhashay

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Muuse Biixi ayaa xabsiga kasii deysay labo hablood oo u dhashay dalka Canada, kuwaasi oo asal ahaan kasoo jeeda Somaliland sida ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Caalamku.

Labadan hablood ayaa lagu kala magacaaba Maymona Cabdi oo da’deedu tahay 28-jir iyo Karima Watts oo 24-jir ah, ayaa la xidhay saddex bilood ka hor, kuwaasi ciidamada boolisku ay kasoo qabteen guri ku yaala Hargeysa.

Labadan hablood ayaa markii hore waxay ka imaaden magaalada Ottawa ee dalka Canada, hablahan ayaa waxa xarigooga ka dambeeyay kadib markii lagu eedeyay inay cabeen khamri, kaasi oo ka mamnuuc ah deeganada Somaliland.

Jason Jeremias oo ka tirsan Hay’add ka shaqeysa xuquuqal insaanka oo fadhigeedu yahay New York ayaa sheegtay in Maymona Cabdi ay Somaliland u tagtay si ay gacan uga geysato dumar dhibaatooyin dhinaca Genderka ah la kulmay.

Qareenka u doodayey labadan hablood ayaa wuxuu sheegay in lagu xukumay labadooba min labo sanadood iyo badh xabsi ah, balse ay midaas uga badbaaden kadib markii xariga loo iibiyey.

Hooyada dhashay mid kamid ah labadan hablood ee saaxiibka ah ee u dashay dalka Canada, ayaa dhowaan ka codsatay dowlada Canada inay ka caawiso sidii hablaheeda loo sii dayn lahaa oo looguna soo celin lahaa dalkooda Canada, waxaanay tilmaantay hooyada dhashay hablahan oo la yiraahdo Fahima Hassan in dowlada Canada ay ka codsaneyso inay la xiriiraan xukuumada Somaliland oo ay kala hadlaan sidii loo sii dayn lahaa hablahaasi.

“Waxaan doonayaa in gabadheyda ay timaado dalkeeda Canada. Waxay wajahday waxyaabo badan, Maymona iyo Karima ayaa labaduba waxay ku dhasheen oo ay ku koreen Ottawa-Canada, waxeyna ahaayen saaxiibo. Markii Karima hooyadeed dhimatay waxay soo raacday inantayda oo ay saaxiib ahaayen”. ayey tiri hooyada dhashay Maymona oo la hadleysay warbaahinta dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com