Wasiirka Gaashaadhiga oo kulan la qaatay sarkaalka ugu sareeya ciidamada UK

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid ayaa shalay kulan la qaatay Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya Colonel Matt Munro.

Kulankan ayaa sidoo kale waxa ku wehlinayey Wasiirka gaashaandhiga Taliyaha ciidanka Somaliland S/G Nuux Ismaaciil Taani iyo Agaasimaha waaxda qorsheynta ee wasaarada Maxamuud Cabdirisaaq iyo masuuliyiin kale oo ka kala socotay hay’ada Axiom iyo taliska ciidanka.

Kulankani ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee ay wada yeeshaan Wasiirka cusub ee waasaaradda gaashaandhiga iyo Sarkaalka ugu sareeya ciidamada Ingiriiska ee fadhigoodu yahay dalka Itoobiya, kaasi oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka wada shaqeyneed ee ka dhexeeya dawlada ingriiska iyo Somaliland.

Sidoo kale kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa tayeynta iyo tababarada dhanka aqoonta ee ciidanka Somaliland, iyo sidii ay kaalin mug leh uga qaadan laheyd dowladda Ingiriisku dhisida aqooneed ee ciidanka iyo howl-wadeenada wasaaradda gaashaaandhiga Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com