Xog: Xaruntii wasaaradda beeraha oo la bilaabay in la kireeyo xilli 5 sano ka hor laga bixiyey dad daganaa

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegayo in la bilaabay kireynta qeybo kamid ah Xaruntii Wasaaradda Beeraha oo dadkii daganaa laga bixiyey 5 sano ka hor.

Xarunta Wasaaradaaan oo ku dhagan Xarunta dambi Baarista ee CID ayaa asbuucaan lagu bilaabay in laga kireeyo dad ganacsato ah kuwaas oo durba bilaabay inay halkaas ka furaan ganacsiyo.

Qeybaha kirada lagu bilaabay ayaa ah wajiga hore ee Wasaaradda oo saaran Laamiga, waxaana laga furay ganacsiyo dhawr ah.

Sida ay xogta ku heleyso Shabakadda Caasimadda Online, kireynta Xaruntaan ayaa waxaa ka dambeeyo ciidamada Ilaalada u ah Xaruntaas iyo kuwa kale oo ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID, waxayna Caasimadda Online idiin ballan qaadeysaa inay idiin soo gudbiso magacyada dadka ka dambeeyo kireynta Guryahaan waxaana dadkaas kamid ah kuwa aad ugu dhow Wasiirka hadda ku magacaaban Wasaaradda Beeraha.

Qaar ka tirsan Ganacstada halkaas laga ijaaray ayaa Shabakadda Caasimadda Online u xaqiijiyey inay halkaas ka ijaareen Ciidamada Ilaalada u ah Wasaaradda Beeraha iyo Saraakiil ka tirsan Xarunta Dambi Baarista ee CID.

Waxaa nasiib darro ah in Xarun laga saaray dad danyar ah oo loo sheegay inay Wasaaradda ku shaqeyn doonto hadda la bilaabo in la kireeyo iyadoo aan wax dayactir ah lagu sameyn xaruntaas oo haawaneyso muddo 5 Sano ah tan iyo sanadkii 2014.

Xilligaas waxaa dalka Ra’isulwasaare ka ahaa Cabdiweli Sheekh Axmed, wuxuuna waqtigaas mar uu booqday Wasaaradda oo dadkii daganaa laga saaray yiri “Aad ayey ii farxad galinaysaa inaan maanta joogo xarunta Wasaarada beeraha oo ahayd xaruntii wax soo saarka, aqoont iyo cilmi baarista. Halkan aan maanta joogno waxaa laga maamuli jiray horumarka runta ah ee Soomaalidu u baahantahay” .

Kireynta qeybo kamid ah Wasaaradda Beeraha ayaa kusoo aadeyso Xilli Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Yariisow uu wado olole dadka looga saarayo Xarumihii Dowladda laheyd oo aan loo heyn wax mashruuc ah maadaama kuwii hore dadka looga saaray shan sano ka hor la bilaabay in la kireeyo.

Mar dhow la soco xog faahfaahsan oo ku saabsan dadka ka dambeeyo in la kireeyo Xarunta Wasaaradda Beeraha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com