Qalbi-dhagax oo shaaciyey qorshe looga hor-istaagay safarkiisa Muqdisho iyo dhibka uu usoo maray

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax ayaa sheegay in Farmaajo iyo kooxdiisa ay isku dayeen inay ka hor istaagaan inuu yimaado magaalada Muqdisho, balse uu ka badbaaday shirqoolkaas.

Wuxuu sheegay in Khamiistii lasoo dhaafay uu doonayey inuu yimaado Muqdisho, balse uu ka war gelay in diyaaradaha loogu hanjabay in tii soo qaada rukhsada ay kala noqa doonto dowladda Soomaaliya.

Qalbi-dhagax oo wareysigaan siiyey VOA ayaa sheegay in safarkiisii uu u weeciyey magaalada Kismaayo, halkaas oo maalmo uu ku sugnaa.

Cabdikariin ayaa sidoo kale shaaciyey in kooxda Farmaajo ay diideen in diyaarado aadaan magaalad Kismaayo, isla markaana uu ugu dambeyntii Muqdisho ku yimid dadaal uu sameeyey Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Farmaajo iyo kooxdiisa markii ay ka war heleen inaan joogo Kismaayo baajiyeen labo diyaaradood oo maalintaas tegi laheyd, kadibna waxay diyaaradihii u kala baxeen gobollada kale, ugu dambeyntii goor dambe oo galab ah ayuu Ra’iisul Wasaare Rooble ku guuleystay in hal diyaarad ay soo qaado dadkii ku xayirnaa garoonka Muqdisho, taas ayaan soo raacay ana,” ayuu yiri Qalbi-dhagax.

Dhanka kale waxaa la weydiiyey Qalbi-dhagax, in berri uu khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, inta aysan bilaaban codeyntu.

Wuxuuna ku jawaabay in hadii lagu casuumo uu berri khudbad ka jeedi doono hoolka doorashada, balse ilaa hadda aan la isku raacin taas.

Sidoo kale Qalbi-dhagax wuxuu cadeeyey in hoolka doorashada uu berri tegi doono, “Waxaan ahaa doonaa xubin sharafeed ku sugan goobta doorashada.”

Sidoo kale wuxuu cadeeyey in Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Cabdullahi Farmaajo aysan ilaa hadda uga cudur daarin gabood falkii ay u geysteen.

Hoos ka daawo wareysiga