Qalbidhagax: Waxaan tagi doonaa magaalooyin badan marka laga reebo hal mid

Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo safar ku jooga Magaalada Hargaysa ee Somaliland, ayaa sheegay inuusan tagi doonin Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay Muqdisho inay joogaan dad aad u wanaagsan oo ka dareen celiyay ficilkii dowladda Madaxweyne Farmaajo ay ugu gacan gelisay Itoobiya, balse wuxuu sheegay inuusan dooneyn tagista Muqdisho iyo la kulanka madaxda dowladda.

Wuxuu sheegay inuu tagi doono Magaalooyinka ka mid ah Puntland, gaar ahaan Magaalada Boosaaso iyo deegaanada Galmudug, halkaasi oo uu sheegay inay suuragal ay tahay xittaa in safarkiisa dhanka dhulka ah uu ku mari doono.

“Boosaaso, ayaan tagayaa kadib safar dhanka dhulka ah, safarkeyga Puntland ku xiga Galmudug ayuu noqonayaa Cadaado illaa Dhuusamareeb, ma cadeyn karo Muqdisho in aan toos u tagaayo, Muqdisho waxaa jooga dad Somali ah oo aad iyo aad u fiican oo karaamo badan iyo golihii Baarlamaanka oo sharaf badan aan u haayo oo qadiyadeydii aad u difaacay, intaba waa ay mudan yihiin in aan soo salaamo, laakiin ma doonaayo qoladaa kale ee xamar joogta in aan is aragno.” Ayuu yiri Qali Dhagax.

Muddo sanad ah ayaa laga joogaa markii dowladda Itoobiya loo gacan geliyay C/kariin Qalbi Dhagax oo ka tirsan Jabhada ONLF, iyadoo dhiibistiisa dowladda Somaliya si wayn ugu fashilantay.

Sanad kadib Qalbi Dhagax oo xuriyadiisa dib u helay, ayaa damaashaad ku maraya Gobolo badan oo ka mid ah Somaliya iyo dalalka dariska la’ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com