Ma la socotaa inuu Axmed Dowlo qabay xaasas kasoo jeeda beelaha HAWIYE

Iyadoo weli ay jirto Hadalheyntii ku aadaneyd Gabood Falkii loo geystey Mawaadin Marxuum Axmed Mukhtaar Saalax  ( Axmed Dowlo) ka dib markii inta la diley lana Gubey  marka waxaa la sheekeystey nin Saaxiibkey ah oo ay Deris ahaayeen Axmed Dowlo waxaa uu  ii sheegey in uu ahaa nin Weyn looga yaqaaney Xaafadda  welina  lahaa Asxaab iyo Saaxiib badan sidoo kale Axmed wuxuu nin Deeqsi ah oo hadana Kaftan badan.

“Xaafadaan ayuu ku dhashey muddo dheer baan Deris ahayn waxaa uu u dhaqdhaqaaqi jirey Caruurtiisa iyo Carurta adeerkii isaga ayaan waxay Quutaan u soo dhicin jirey marka Dhacdaan Shaqasiyan aad baan uga naxay waayo Axmed Dowlo waxan kala qayb galey Guurka Sadex Haween ah oo ka soo jeeda Beelaha Shiikhaal, Sacad oo Caruur hore ugu dhaley balse kala tageen hadda waxaa uu qabey Laba Haween mid ay tahay Gaaljecel

“Axmed Markii uu wiilka adeerka u ahaa uu gabadhaan Jeclaadey wuxuu ku doodi jirey maxaad noogu diideysaan aniga ayaa soo guursadey reero idinka Laf weyn  waa sida uu ku Kaftami jirey  Axmed Dowlo hase yeeshee Axmed waxaa uu ka qayb galey kulamo badan oo lagu Xalinayey Guurka Ruqiyo iyo Maxamed Cabdiramaan iyadoo inta aan la diley waxaa uu u Gogol Fariistey Wiilka uu adeerka u yahay  hase yeeshee waxaa uu Goob joog u ahaa  Dhacdooyin Xiriir oo lagula kacay Qoyskiisa “ ayuu yiri  waxaa uu sii raaciyey

“ Falka Axmed Dowlo marka uu dhacay waxaa dhowr maalmood  Xiran Hooyada Dhashey  Gabadha waxaan la waayey Cid damiinata, waxaana Maalinkii Khamiista Falka Dhacay  ayaa Labada Dhinaca looga yeerey Maxkamada hase Yeeshee intii Maxkamada lagu maqnaa ayaa  Koox kale Taageersan Mowqifka Hooyada  waxay soo weerareen Axmed Dowlo, iyadoo inta uu socdey Weerarka Axmed Dowlo  Waa iska caabiyey hase yeeshee Nabar Gaadmo ah oo lala heley ayaa sababatey in uu Dhulka ku dhaco ka dib Shiidaal  lagu bilbiley oo Taraq lagu Shido” ayuu yiri  Saaxiibkey oo inta raaciyey

“Inta uu socdey Dilka ayaa waxa Dhacay in Haweeney ka mid ahayd Dadkii dilka ka qayb qaatey markey aragtey in Xaalka faraha ka baxay ayey ku Dhaqaaqdey in ay wax ka damiso Dabkii lagu shidey Axmed Dowlo , waxaa markiiba goobta yimid Ciidamo Booliska oo Xirey intii Dil Wadareedkaas ka qayb qaadatey waxaana Bulshada u sheegaya in Hooyada Gabadha Dhashey maalinka uu Dilka Dhacayey ay Xiran tahay hase yeeshe Abaabulka qayb ku la lahayd waxana Kiiska u Xiran Lix Qof oo shan ka mid ah ay ahaayen Fuliyayaashii  ee Labada Dhinac ee Reerka ”

Intii Axmed Dowlo uu ku jirey  Qaboojiyaha Isbitaalka Digfeer ayaa Aabaha Dhaley Wiilka  waxaa u la kulmey nin Turki ah oo isbitaalka ka shaqeeya  waxaana looga turjumey Dhibaatada loo geystey Axmed Dowlo waxaana loo sheegey in Wiil uu adeer u ahaa oo loo diey Gabar u jeclaadey markaasuu Ninkii Turkiga ahaa waxaa uu la soo boodey “Falkaas aad baan uga Xumahay ee Maxaad nooga soo doonaeysey Gabar Turki ah anagaa ku siin lahayne“

Isku soo duubo Axmed Dowlo waxa lagula kacay Fal aad u Fool Xun  waana Dhacdo ma Hadho sidaa Darteed  waxaan Dhihi lahaa in Dadkii ka dambeeyey Falkaas Hayb Sooca ah  in Cadaaladda la horkeeno ama diyo ay bixiyaan Beeshii dhibka Geystey si la isugu Calool Fiyoobaado  islamarkaana uu u Guuleysto Guurka Ruqiya   Maxamed Cabdiraxmaan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

Tel 00252615532494