QM oo digniin kama dambeys ah kasoo saartay abaarta Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa digniin kama dambeys ah kasoo saartay xaalada abaareed ee ka jirta deegaano dhowr ah oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dunida ay wajaheyso dhibaatadii ugu darneyd tan iyo markii la aasaasay Qaramada Midoobay sanadkii 1945.

Stephen O’Brien oo ah madaxa howlaha bini’aadanimada ayaa sheegay in xaalad adag ay ka jirto dalal Soomaaliya ay kamid tahay loona baahan yahay in si deg dega ah wax looga qabtaa.

Wuxuu sheegay in ku dhawaad 20 milyan oo ruux oo ku nool dalalka Soomaaliya, Sudan, Yemen iyo waqooyi bari Nigeria ay wajahayaan xaaladii ugu xumeyd abid.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dad badan oo dalalkaasi ku nool ay u dhiman doonaan gaajo iyo macluul haddii aan la helin gargaar loo wada dhan yahay oo caalamka dhan ah.

Mr O’brien wuxuu sheegay in baahida ugu daran ay ka jirto Yemen, halkaasoo 3 meelood oo meel dadka dalkaas ku nool ay khatar ku jiraan, ayadoo xaaladdana ay sii xumaanayso.

Waa digniintii ugu dambaysay ee ka soo baxda Qaramada Midoobay oo ah in aysan haysan imkaaniyaadkii ay wax uga qaban lahaayeen mushaakilkan sii darsanaya ee dalal badan ka jira.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasiamda@live.com