QM oo shaacisay xaalad halis ah oo ka taagan Ethiopia

Addis Ababa (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay ayaa lagu shaaciyey in 350,000 oo qof ay ku nool yihiin xaalad aad u daran oo ka jirta gobolka Tigray oo dagaaladii u dambeeyay aafeeyeen iyo sidoo kale gobolada kale ee deriska la’ah ee Amxaarada iyo Canfarta.

Madaxa arrimaha bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa sheegay in waqooyiga Ethiopia ay ka jirto macaluul daran, taasi oo ay sababeen dagaaladii iyo xaaladihii u dambeeyay .

Dagaaladii u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka iyo maamulka TPLF ayaa si weyn u halakeeyay gobolka Tigray, ayada oo ay ku barakaceen 1.7 milyan oo ruux.

Warbixinta QM ayaa looga deyriyay xaalada cunno ee gobolka, taasi oo gaartay “heer musiibo”, oo ay ku macneysay “gaajo iyo dhimasho saameysay kooxo yar oo dad ah oo ku faafay dhul ballaaran”.

Dagaalkii gobolka Tigray ayaa waxaa ka dhalatay xaalad halis ah, waxayna Hay’adda cunnada adduunka ee QM (WFP), Ururka Cuntada iyo Beeraha iyo hay’adda carruurta ee Unicef ​​ay dhammaantood ku baaqayaan in si deg-deg ah wax looga qabto dhibaatada jirta deegaanadaas.

Sidoo kale waxaa soo baxeysa in dad ku sugan Qafta Humera, oo ah degmo ku go’doonsan galbeedka Tigray-ga, ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan macaluul, sida ay baahiyeen warbaahinta caalamka.

Tan iyo markii ay dowladda federaalka Ethiopia dagaalka qaraar la gashay maamulka TPLF waxaa soo baxaya xaalado bini’aadanimo iyo tacadiyo ka dhanka ah oo lagula kacay qowmiyada Tigray-ga, ayada oo gobolo ka tirsan ay wajahayaan xaalada cuni yari.