Warbixin: Qaramada Midoobe oo war kasoo saartay ka bixitaanka Ciidanka Ethiopia iyo Amisom ee Somalia

Addis-Ababa (Caasimada Online – Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ciidamada dowladda Somalia aysan awood u yeelan doonin inay beddelaan ciidanka Amisom, illaa beesha caalamka ay meel saarto maal gelintooda iyo tababarkooda.

“Ka bixitaanka ciidamada Ethiopia iyo kuwa Amisom ee Somalia, waxa ay ku xiran tahay ku filnaanshaha ciidamada Soomaalida ee dalkooda” ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Somalia, Augustine Mahiga.

“Habka ciidamada Soomaalida loo tababaryo ma ahan sidii ugu xowlisanaa ee aynu fileynay, sababtoo ah maal gelin la’aan darteed” ayuu yiri Mahiga oo ka hadlayay magaalada Addis-Ababa.

Mahiga ayaa sheegay in taa macaheedu yahay in ciidamada Ethiopia iyo kuwa Amisom ay dalka sii joogi doonaan illaa waqti aan la shaacin, ka bixistoodana ay ku xirnaan doonto sida ciidanka Soomaalida ay ugu diyaar noqdaan inay dalkooda la wareegaan.

“Midowga Yurub oo bixiya mushaharka Amisom, ayaa iminka ka xaajoonaya sidii maal gelin damaanad qaadan ay ugu sameyn lahaayeen ciidamada Soomaalida” ayuu yiri Mahiga.

Waxa kale oo uu Mahiga shaaca ka qaaday in Turkey iyo dalal kale oo ku yaalla gacanka Persia laga yaabo in iyagana ay taageero ku yaboohaan.

“Marka helista mucaaradka la baa bi’iyo waxaa suurta gal ah in howl galka Midowga Africa ay sidoo kale ku lug yeelato Qaramada Midoobe” ayuu yiri Mahiga.

Xafiiska Wararka Caasimada Online
Addis-Ababa, Ethiopia