Dawladda Somalia oo casriyaynaysa hanaanka mushahar bixinta

Dowladda Soomaaliya ayaa bilaabaysa barnaamij cusub bisha Abril si shaqaalaha dowladda lacagtooda si otomaatik ah looogu siiyo iyada oo uu maamulayo Baanka Dhexe ee Soomaaliya.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Qorshaynta Maxamuud Xasan Sulaymaan ayaa  sheegay in barnaamijka uu yahay mid kamid ah dhowr horumarin oo looga dan leeyahay casiriyaynta hanaanka dhaqaalaha dalka, iyadoo la isku miisaamayo miisaaniyadda, lagulana dagaalamyo musuqmaasuqa maamul iyo kan dhaqaale.

Shaqaalaha dowladda ayaa hadda mushaharkooda lagu siiyaa si kaash iyaga oo ka qaadanaya xisaabiyayaal xadidan oo wasaaradahooda ka socda kadib marka dhaqaalaha laga soo qaado Baanka Dhexe. Xisaabiyayaasha ayaa mas’uul ka ah in ay lacagta kas oo qaadaan Baanka Dhexe, iyagoo siinaya shaqaalo walba marka uu saxiixo ama ay saxiixdo warqad cadaynaysa bixinta lacagta.

Hanaanka, oo ay qeyb ka tahay lacag si muuqata loo bixinayo, qaadidda lacag aad u tirio badan iyo buuxinta waraaqo, ayaa inta badan waxa ay keentaa dib u dhacyo mushaharka ku yimaada iyo lacagaha oo la geeyo meelaha aan loogu talo galin, ayuu yiri Sulaymaan.

Wasiirka ayaa sheegay in hanaanka cusubi uu ka hor tagayo dib u dhacyada caynkaa ah, uuna hor seedayo isla xisaabtan iyo hufnaan la xiriirta maamulidda dhaqaalaha shacabka.

Iyada oo la raacayo hanaanka mushahar bixinta atomaatika ah, shaqaale walba oo kuwa rayidka ah waxaa Baanka Dhexe laga siin doonaa xisaab u gaar ah halkaa oo mushaharaadkooda loogu wareejinayo iyo jeeg lasiin doono bilowga bil walba.

Dowladda ayaa sidoo kale qorshaynaysa in ay canshuuro kusoo rogto shirkadaha xawaaladaha, kuwa isgaarsiinta, qaadka, sigaarka iyo ganacsatada suuqyada maxaliga ah, ayuu yiri. Canshuuraha ayaa sidoo kale lagu soo rogi doonaa alaabaha kasoo dagaya dekedaha Muqdisho, Kismaayo, Boosaaso iyo Berbera.

“Waanu la dagaalami doonaa musuqmaasuqa maamul iyo kan dhaqaale, waxaanuna dhaqan galin doonaa qorshayaal noo ogolaanaya in aannu ururino canshuuro badan, aanana ilaalino balamaheena ahaa in aan u shaqayno dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Sulaymaan.

Hufnaanta Caalamka, oo ah hay’adda bulshada rayidka ah ee la dagaalanka musuqmaasuqa, ayaa 176 dal 2012-kii kaalinta hore ka dhigtay Soomaaliya, Afgaanistaan iyo Waqooyiga Korea dallaka ugu horeeya musuqmaasuqa.

Xaalad suuq qasnaan ah

Dowladdu waa in ay qaadda talaabooyin badan si loo hagaajiyo dhaqaalaha shacabka oo qeyb ka ah dadaalo lagu dajinayo dhaqaalaha, ayay falanqeeyayaashu yiraahdeen.

Bashiir Mardaadi Saalax, oo ah dhaqaaleyahan ayaa sheegay in ay tahay in sharci la sameeyo si loo xaqiijiyo in mushaarka shaqaalaha rayidka ah lagu bixiyo si kaash ah si loo xasiliyo qiimahiisa marka la eego lacagaha ajaanibta ah. Xiligan, lacagaha ajaanibta ah ee ka shaqeeya Baanka Dhexe ayaa lagu qiyaasaa $170 milyan oo doolar waxa ayna dib u dhiagayaan qiimaha sii kacaya, ayuu sheegay.

Saalax ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay tahay in ay hayso lacagaha ajaanibta ah si loo dhiso, loona keeno shilinka Soomaaliga ah ee la daabacay intii lagu jiray xiligii kala guurka balse aan wali suuqa la galinin.

Hiba Cabdi Khaliif, oo ah dhaqaaleyahan kale ayaa sheegtay in xoojinta booska Baanka Dhexe ay sidoo kale gacan ka gaysanayso joojinta bed bedelka sarifka ee ay samaynayaan ganacsato madax banaan oo aan nidaamsanayn.

In kastoo Baanka Dhexe ee Soomaaliya dib loo furay sanadkii 2009-kii, hadana ganacsato madax banaan ayaa maamula sarifka lacagaha, waxa ayna awoodaan in ay ku cayaaraan suuqa. Sanad gudihiis, waxa ay sheegtay, in ganacsatada ay ka faa’idaysteen dhibaatooyin dhaqaale oo ka dhashay nidaam la’aan iyo yaraanta helidda shilinka Soomaaliga si dantooda ku jirta oo ay ciyaaraan sarifka lacagaha.

Khaliif ayaa ka digtay in Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Qorshaynta ay ku guul darreysato in ay soo xirto shakhsiyaadka ku lugta leh ku cayaaridda sarifka, taa oo saamaysay nolosha qoysas badan oo Soomaali ah oo noloshooda ay ku xirantahay biilal looga soo diro dalka dibadiisa.

Janaayo 17-keedii, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhaqaalayahanka Cabdisalaam Cumar u magacaabay guddoomiyaha Baanka Dhexe. Cumar ayaa kasoo shaqeeyay Baanka Adduunka, waxa uuna shahaadada ugu sareysa ee maamulka guud ka haystaa Jaamacadda Tennessee ee dalka Mareykanka.

Isha: Sabahi