Qarax ay ku dhaawacmeen saraakiil sar sare oo goor dhow ka dhacay…

Baladxaawo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray Magaalada Buulo-Xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax xooggan, kaasoo lagu weeraray mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo maamulka Ahlu Sunna.

Qaraxa oo ahaa bambo gacmeed waxaa lagu weeraray guri ku yaalla magaalada Balad-Xaawo sida uu lee yahay goobjooge ku sugan halkaas oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online.

Si dhab ah looma oga khasaaraha soo gaaray saraakiishii sar sare ee lagu weeraray qaraxa ka dhacay magaalada Balad-xaawo.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay afar kalena waa ay ku dhaawacmeen qaraxa ka dhacay Balad-Xaawo.

Qaraxa kaddib waxaa soo gaaray goobta ciidamo badan, kuwaasoo howgallo ay sameeyeen ku soo qabqabtay dhowr qof oo u badan dhallinyaro kuwaasoo lagu tuhmaayo weerarka.

Ma jirto ilaa hadda cid ka hadashay qaraxa ka dhacay magaalada Balad-Xaawoo, waxaana socda wali howgallo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com