Xildhibaannada BF oo ku baaqay in dib loo eego heshiiska DF iyo Favori

Muqdisho (Caasimada Online) Fadhi baarlamaanka Soomaaliya uu maanta ku yeeshay magaalada Muqdisho, ayaa looga doodday siddii dib u eegis loogu sameen lahaa heshiis dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaaradda gaadidka dhulka iyo cirka ay la gashay shirkad laga lee yahay dalka Turkiga oo maamulaysa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mi dha xildhibaannada maanta ka qaybgalay kulanka ayaa guddoonka baarlamaanka ka codsaday in la horkeeno heshiiskaas oo mugdi badan ku jira sida ay hadalka u dhigeen.

Waxaa jirra warar badan oo sheegaya in si qaldan loo saxiixay heshiiskii xukuumadda ay la gadashay shirkadda Vavori oo laga lee yahay dalka Turkiga, taasoo maamulaysa garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaddib markii lagu badalay shirkadii SKA.

Xildhibaannada soo gudbiyay hindisahan ayaa ku dooddaya in heshiiskaas uu wax badan ka qaribi doono dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii shannaad ee sannadkan waxa ay magaalada Muqdisho heshiis kula saxiixatay QM kaddib markii ay dalbatay in lagu soo wareejiyo maamulka hawada Soomaaliya.

Heshiiskaas oo lagu waday in uu dhaqangalo bisha January ee sannadka na soo aadan 2014-ka waxaa hada lagu dilay muddo seddax bil oo kale sida uu sheegay wasiirka warfaafinta, gaadidka isgaarsiinta.

Dad badan oo arrimahan yaqaana waxa ay lee yihiin dowladda awood uma lahan in ay maareeyso maamulka hawada Soomaaliya mana heesato dad aqoon iyo khibrad u leh maamulka hawada Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com