KASHIFAAD: Qoomaal: Eebow Oohintii beenta ee Muqdisho waa fashilantay (Video caddeynaya qalbigiisa dhabta)

Muqdisho (Caasimada Online) – Fanaanka Maxamed Axmed Qoomaal waxa uu ka degay Muqdisho isaga oynaya, waxa uu si lama filaan ah sujuud ugu dhacay ciida Muqdisho isaga oo dhunkanaya, muujinayan jaceyl uu u qabo dhulkiisa hooyo.

Waxaa is weydiiyey ma xuma in uu daltabyo darteed uu magaaladiisii  dib ugu soo laabto, laba maalin gudahood waxa uu ku soo bandhigay hees uu ugu magac daray Xamareey, taas oo uu ku muujinayey midnimada umada Soomaaliyeed.

Waxaa is weydiin mudan shalay Qoomaal waxa uu heeso qaran dumis ah u qaaday Somaliland, waxa uu horseed ka noqday in uu dalka kala qeybiyo,  isaga oo huwan calanka Somaliland, waxa uu ku baaqayey in  in Somaliland faraha laga qaado, isaga oo habaaray Soomaali inteeda kale.

Waxa uu qaaday heeskaasi la yiraah KALA GURASHO MAAHEE WAA KALA GUUR, isaga oo dhaafsanaya xoogaa lacag ah, maantana Xamar ayuu oohin been ah la tagay.

Waddaniga dhabta ah marnaba isma beddelo, mana dhiiri geliyo in dalkiisa kala goo go’o, kaba sii darran marka uu yahay Fanaan oo shacbiyad badan leh.

Qoomaal-kii shalay sidaa ahaa maanta Xamar ha ku dul ooyo, hana muujiyo dal jaceyl, waxbaa ka horeeyey, diiwaankana waa loogu qoray, bal nala daawada Qoomaal Muqdisho jeceloow iyo Qoomaal qaran dumiyoow

Oohintii Beenta ahayd ee Qoomaal Xamar ka sameeyey iyo heeskiisii Xamareey ee aan qalbiga laga qaadin

qomal

Heeskii Qoomaal ku taageeray gooni u goosadka Somaliland