Axmed Madoobe oo ku ballan furay DF & been uu sheegay + Cod + Caddeyn

Kismaayo (Caasimada online) Hogaamiyaha maamulka Kmg ah ee Jubba oo Shirjaraa’id ku qabtay maamnta magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hooe ayaa si cad, wuxuu u sheegay in marnaba aysan ka qeyb galeyn Shirka 21-ka Bishan ka furmaya Muqdisho

Axmed Madoobe, wuxuu daboolka ka qaaday in mamulka Jubba uusan marnaba ka qeyb gali doonin Shirka 21-ka Bisna ka furmi doona Muqdisho, kaasi oo uu ku sheegay inuusan qeyb ka aheyn heshiiskii Addis Ababa.

Wuxuu sheegay in heshiiska Adis Ababa uu dhigaya in madaxda maamulka Jubba inay tagaan magaalada Muqdisho balse qorshaha uusan ku jirin in Shir Jubooyinka iyo Gedo looga hadlayo  Muqdisho lagu qabto  , taasi badalkeeduna qorshuhu uu ahaa in Shirkaas uu Kismaayo ka dhoco.

Waxaa xusid mudan iyo shir Muqdisho lagu heshiiyey, balse dowladda ay dhankeeda qalad ku leedahay in waqtigii loogu tala galay aysan ku qaban, inkasta oo taas loo macneeyey diidmada Jubba darteed.

Hase yeeshee Caasimada Online, ayaa dib ugu laabtay buugeeda “Xaqiiq hubinta”,  (Fact Check Book), waxaana soo baxay in Axmed Madoobe been cad sheegayo uuna ka baxay ballantii.

Qodobka 4-aad, faraciisa 20-aad ee heshiiska Addis-Ababa, ayaa u qornaa sidan:-

heshiisa 20

Qodobka 4-aad: Dhismaha kalsooni iyo dib-uheshiisiin

20 – Dowladda federaalka ah ee Somalia waxa ay laba toddobaad gudahood ku qaban doontaa shir dib u heshiisiineed oo ka dhacaya Muqdisho. Shirka xiga midkaas  oo kalsooni abuuridda waxaa lagu qaban doonaa Kismaayo

Axmed Madoobe, wuxuu tilmaamay in arintaas ay u hogaansameyn isla markaana ay tageen magaalada Muqdisho ee Caasiada Soomaaliya , isdaasi si lamid ahna madxada dowlada Soomaaliya laga rabo inay Kismaayo  tagaaan .

In Googol nabadeed Kismaayo la dhigo si Beelagha Jubbooyinka iyo Gedo dega ay  heshiis nabadeed u fariistan  ayuu sheegay in balantiu ay aheyd , waxaana uu shaaca ka qaaday inay diyaar u yihiiin balse wax aan u cuntameyn ay tahay in Muqdisho xilligan xukuumada Somalia ay ku amarto madaxda Jubba inay tagaan shirna ay uga soo qeyb galaan sida uu sheegay.

Dowlada Soomaaliya oo u muuqatay inay ka guul gaartay arinta Jubbooyinka iyo Gedo ayaa iminka waxaa muqaanaya in xaalku uu yahay Faanoole fari kama qodna sida dad badan ay kuu sheegayaan .

HALKAN KA DHAGEYSO AXMED MADOOBE

Caasimada online

Xafiiska Kismaayo

Caasimada@live.com