Fadeexaddii Xabsiga Dhexe ee Xamar oo dhalisay in DF Somalia ay maanta…

Muqdisho (Caasimada online) Kadib markii Arbacadii aynu kasoo gudubnay dib Xuriyadiisa uu u helay Taliyihii hore ee Xabsiga Dhexe ayaa maanta Dowladu waxay xilka Xabsigaasi u magacaawday hogaan cusub.

Munaasabadda xil wareejinta oo kadhacay Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa waxa la sheegay in hogaaminta iyo Talada Xabsigaasi loo gacan galiyay G/sare Maxamed Xirsi , oo sida la tilmaamay ay is xigaan Sheekh Xasan Daahir Aweys oo wali u xiran dowlada Soomaaliya.

G/sare Maxamed Xirsi, ayaa maanta xilkaas si rasmi ah kala wareegay Taliyihii hore ee Xabsiga Dhexe Maxamed Xuseen Axmed “Sabdoow” kaas oo lagu eedeeyay dhowaan inuu si Qarsoodi kusii diiyay Nin dil ku xukunaa.

Taliyaha cusub ee xabsiga dhexe  G/sare Maxamed Xirsi ayaa kaga mahadceliyay Taliyihii hore, mudadii uu ka soo shaqeynaayay Xabsiga Dhexe iyo shaqooyinkii kala duwanaa, ee uu ka soo qabtay.

Sidoo kale Munaasabada, ayaa waxaa looga soo dhameystiray Waaxyada Ciidanka Asluubta. Waxaana kamid ah Waaxyada maanta lagu dhawaaqay Waaxda Dhismaha, Waaxda Hay’adaha iyo Waaxda Agoonta.

Sabdoow, oo ahaa talihii xabsiga dhexe ee xamar ayaa isagu waxaa loo magacaabay Taliyaha Waaxda Dhismaha.

Arintan waxa ay timid, xilli la hadal haayo in Sheekh Xasan Daahir Aweys, loo wareejin doono Xabsiga Dhexe ee Xamar. Waxaase jira warar sheegaya in qorshahaasi uu noqday mid fashilmay. Ma cadda haddii magacaabista taliyaha cusub iyo wareejinta Xasan Daahir ee Xabsiga dhexe ay xiriiraan.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com